NZ oo cirib tirtay COVID-19

Guushan taariiqiga ah ayaa imanaya iyadoo dalku filayo inuu qaado dhamaan xanibaadihii saarnaa maalinta talaadada marka laga reebo xirirda xadka dalka.

New Zealand Prime Minister Jacinda Ardern.

Jacinda Arden is set to release her so-called "Wellbeing Budget". Source: AAP

New Zealand waxay gabi ahaan cirib tirtay COVID-19 kadib markii saraakiisha caafimaadku ay sheegeen in qofkii u danbeeyay oo qabay xanuunka uu kasoo kabsaday, sidoo kalana aan kays laga helin dalka 17 maalmood isku xiga.

Guushan taariiqiga ah ayaa imanaya iyadoo dalku filayo inuu qaado dhamaan xanibaadihii saarnaa maalinta talaadada marka laga reebo xirirda xadka dalka.

RW Jacinda Ardern ayaa sheegtay in xafladaha gaarka ah iyo ku babliga ahba la qaban karo oo aysan wax xanibaada ah saarnayn, dukaamada iyo maqaayada ayaa sidii caadiga ahaa u furan, sidoo kalana gabi ahaanba gaadiidka dadweynuhu howlohoodii dib u bilaabayaan

"Waxaan ku kalsoonahay inaan ka cirib tirnay caabuqa dalkan NZ. Laakiin cirib tirku mid halkan ku eg ma ah. Waa dadaal soconaya. Waxaan hubnaa inay kaysas mar la arkidoono. Waxaa doonayaa inaan mar kale iraahdo, haddii taasi dhacdo macneheedu ma ah inaan guul daraysanay. Waa xaqaaqda sida caabuqan u shaqeeyo. Laakiin haddii ama markii ay dhacdo waa inaan hubino inaan diyaar u nahay," ayay tiri Rw Adern.

Ku dhawaad 300 oo kun oo qof ayaa laga baaray xanuunka dalka NZ, waxaana laga helay 1504 qof waxaan u dhintay 22 qof.


Share

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
NZ oo cirib tirtay COVID-19 | SBS Somali