NZ oo soo rogtay bandow balaaran

Prime Minister Jacinda Ardern.

Prime Minister Jacinda Ardern. Source: Getty Images AsiaPac

Ra'iisul Wasaarada New Zealand ayaa sheegtay in dalkeedu isu diyaarinayo iskarntiilid si loo yareeyo kulamada loona joojiyo in bulshadu isugudbiso xanuunka.

NZ ayaa ilaa iyo hadda 102 kays oo coronavirus xaqiijisay laakiin dawlada ayaa ka walaacsan in nidaamka caafimaadka ay buuxdhaafiyaan bukaan qaba coroanvirus maadaama dadka uu ku dhacay ay sii kordhayaan.

Iskuulada ayaa la xiridoona wixii ka danbeeyay habeenbarkii Arbacada, waxaana shacabka lagu booriyay inay guryohooda joogaan si looga baaqsado in COVID19 uu sii faafo.

Jacinda Ardern ayaa sheegtay in dhamaan adeegyada aan lama huraanka ahayn si degdeg ah loo xiro kuwo lagama maarmaanka ahna looga baahan yahay inay hirgaliyaan isbadalo lagu sameeyo nidaamka ay u shaqeeyaan si looga baaqsado inuu fido caabuqu.

"Dhamaan baararka, maqaayadaha, shaleemooyinka, baraagaha dadka badani ku qubaystaan, madxafyada, maktabadaha iyo goobaha kale ee dadku isugu yimadaan waa in la xiraa. Dhamaan goobaha xafladaha ama isboortiyada lagu qabto meel xiran ama meel banaan waa in la joojiyo. Haddaan soo gaabiyo dhamaanteen waa inaan isu diyaarino inaan is-karantiilno sida dalal badani ay hore u sameyeen." ayay tiri RW Ardern.

Share

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand