Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Obama's future job.

What will Barack Obama's next job be?

Former US president Barack Obama
Barack Obama has taken to Twitter to send a farewell message to followers as his presidency ends. (AAP) Source: AP

Maxay noqondoontaa shaqada Obama ee xigta?

​Inuu ka hadlo xafaladaha? Inuu Jaamacad wax ka dhigo? Inuu buugaag qoro? Inuu madax ka noqdo shirkad? iyo inuu yeesho mid ka mid ah kooxaga kubada kolayga?

Dhamaan madaxweynayaashii hore ee Maraykanku waxay qaataan 205 kun oo Doolar oo howlgabnimo lagu siiyo sanadwalba. Lacagtaas waxaa lala kordhiyaa hadba sida sixirbararku u kordho. waxay kaloo qaataan qarash xafiis iyo shaqaale. Wixii intaa kasoo hara iyagaa isdabaraya.

Obama waa nin wali dhalinyar oo wuxuu jiraa 55 sano, marka madaxweynihii hore oo hadda ku nasanaya Palm Springs in Range Mirage oo California ku taal ayaa la filayaa in sanadaha soosocda ay daqliyo kala duwan soo galaan.

Mid la hubo ayaa ah inuu ka hadli doono xaflado lagu casuumo oo ay dhamaan madaxweynayaashii hore lacago badan kasamayn jireen, waxaana la filayaa in halkii mar oo uu hadlo la siiyo 250 kun oo doolar.

"Ma ogi waxa uu Obama samayndoono, laakiin waxaan si kalsooni ku jirto u oran karaa inuusan cafinayn fursad kasta oo uu hadal ka jeedin karo oo lacag uu ku heli karo" sidaas waxaa yiri James Thunder oo madax ka ah xarunta daraasaadka congreska iyo madaxwerynaha ee American University sida lagasoo xigtay Joornaalka Washignton Post.

Waxaa sidoo kale la filayaa inuuu buugaag qoro gaar ahaan kuwo uu kaga hadlayo wixii soo maray noloshiisa iyo intuu madaxweynaha ahaa.. Wuxuuna hore lacag badan uga sameeyay labo buug oo uu qoray.

 2009, Obama wuxuu 5.1 malyan oo doolar ka helay labadaas buug oo kala ahaa The Audacity of Hope, and Dreams from My Father

Waxaa lagasoo xigtay joornaalka Forbes in qoyska Obama ay haystaan lacag gaarsysa 12 malyan oo doolar.

Joornaalka New York Times ayaa ku qiyaasay in Obama iyo xaaskiisa Michelle ay buugaag ay qoraan ka heli karaan inta u dhaxaysa 20 ilaa 45 malayn oo doolar. Obama ayaa shirkii jaraaid uu ugu danbeeyay ku sheegay inuu jeclaan lahaa inuu wax qoro markuu xilka ka dego.

Qoyska Obamas ayaa hadab qani ah iyagoo haysta 12 malyan oo doolar.

President Barack Obama with first lady Michelle Obama and daughters Malia and Sasha at his election night party in Chicago. President Obama defeated Republican challenger former Massachusetts Gov. Mitt Romney. (AAP)
President Barack Obama with first lady Michelle Obama and daughters Malia and Sasha. (AAP) Source: AAP

Taas iyo lacagta howlgabka ayay si fiican ugu noolaan karaan. waxayna kiraysteen guri ku yaal xaafada qaaliga ee Washinton ee Kalorama oo ay ka bixiyaan 22 kun oo doolar bishii.

Obama oo aad u jecel inuu cayaaro Golf ayaa lagusoo waramayaa inuu guri ka raadinayo Rancho Mirage oo Golfka aaad loogu cayaaro.

Madaxweynihii hore Bill Clinton ayaa aad qani u noqday markuu xilka ka degay.

Clinton
Hillary Clinton, with first lady Michelle Obama, left, President Barack Obama, and former President Bill Clinton Source: AAP

Obama ayaa sidoo kale noqon kara macalin jaamacad wax ka dhiga. wuxuu hore macalin uga ahaa kuliyada sharciyada ee jaamacada Chicago ka hor intuusan galin aqalka Senatka.. Obama oo hore uga qalinjabiyay kuliyada sharciga ee Harvard ayaa Chicago dib ugu noqon kara halkaas oo ay ku leeyihiin guri qiimihiisu gaarayo 1.5 malayn oo doolar. wuxuu kaloo wax ka dhigi karaa jaamacada Colombia oo ku taal New York taasoo lafteedii uu hore arday uga ahaa.

"Jaamacad kasta way jeclaan lahay inuu wax ka dhigo"  ayuu yiri Thurber.

Obama oo aad u jecel cayaarka kubada kolayga ama basketbalka ayaa hore u sheegay inuu jeclaan lahaa inuu qayb ahaan yeesho koox NBA ka tirsan.

Professorada jaamacadaha sharciga ka dhiga ayaa caadiyan qaata inta u dhaxaysa  $US150,000 ilaa $US200,000, laakiin waxay ku xiran hadba qibradooda.

Shirkad kasta way jeclaan lahayd inuu ka mid noqodo madaxda shirkada, waxayna bixiyaan lacag fiican..


3 min read

Published

Updated

By Hassan Jama


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now