Warqadii oogu facweynayd oo laga helay Waqooyiga Australia.

Warqadii oogu facweynayd oo laga helay Waqooyiga Australia.

The world’s oldest known message in a bottle, found at a West Australian beach nearly 132 years after it was tossed overboard into the Indian Ocean.

The world’s oldest known message in a bottle, found at a West Australian beach nearly 132 years after it was tossed overboard into the Indian Ocean. Source: AAP

Koox dada oo baabuur watay, iyagoo ku sugan Goblka Galbeedka Australia, ayaa goob xeeba oo ay ku hakadeen ka helay warqadaan faca weyn.

Goobta ay ku sugnaayeen waa Jasiirada Wedge, oo 180 km  waqooyiga ka xigta magaalada Perth, kadib markii ay istaageen waxa ay arkeen dhinac ay isugu aruureen qashin, kadib haweeneey reer Perth ah oo la yidhaahdo Tonya Illman,   ayaa baadhbaadhay qashinkii. 

Wixii oogu horeeyay ee ay indhaheedu ku dhacaan waxay noqotay dhalo midabkeedu bunni yahay (brown).

dhalada oo ay warqadi gudaha oogu jirtay, ayaa kooxdii ay soo jiidatay, kadibna Tonya ayaa habeenimadii oven ku qalajisay. 

Warqada oo si wareega la isugu duubay ayay u suura gashay kooxda in ay kala furaan, waxa ayna ku arkeen qoraalka ku qoran in uu yahay af Jarmal, khad daciifan ku qoran, halka ay taariikhda ku qorayd ee cadaynaysay waqtiga warqadani la qoray ayaa ah 1800.

Ninka qaba gabadha heshay warqadan dhalada lagu riday ayaa isagu baadhitaan uu onlinka ka baadhay ayaa uu ku ogaaday macluumaad mihiima oo warqadaan la xidhiidha. Waxaa ka mida in dhaladani ay ka mid ahayn kumanaan dhalooyina oo dhanbaala xanbaarsan oo Jarmarlku ay bada ku daadiyeen si ay wax ooga ogaadaan saamaynta hirarka bada.

Warqada la helay dhabarkeeda ayaa waxaa ku qoran codsi ku aadan qofka warqada hela, ahna in uu sheego goorta iyo goobta uu warqadaan dhalada ku jirta ka helay, iyadoo sidoo kalena laga codsaday in warqadaan dib loogu soo celiyo Waaxda U Kuurgalida Bada ee wadanka Jarmalka, ama safaarada ama qunsuliyada Jarmalka.

 Tonya ayaa warqada dhalada ku jirta waxa ay gaysay Aqalka Hidaha iyo Dhaqanka ee Gobalka Waqooyiga Australia, halkaas oo ay sii yaaleen taariikha xoojinaya warqadan dhanbaalka ku qoraa in uu sax yahay.

 

 


Share

Published

By Mohamed A Madar.

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand