Pauline Hanson, oo aad ooga kululaatay xubin ka mida xisbigeeda oo u muuqda in uu ka go’ayo.
Madaxa xisbiga One Nation, senatarad Pouline Hanson, ayaa - kadib markay ka shikiday daacadnimada Senatar Brain Burston - waxa ay oogu yeedhay in uu iska casilo kursiga uu u hayay xisbigeeda, maadaama uusan xisbiga daacad u ahayn.
Balse dhankiisa Burston, ayaa sheegay in uu 20 sano xisbiga daacad u ahaa, haatana uusan iska casilaynin jagtadiisa, balse ay u taaalo Pauline, in ay xisbiga ka caydhiso, taasoo ay awoodo, isagoo sheegay markaas in uu noqonayo xubin madax banaan.
Pouline Hanson, ayaa xisbigeedu baryihii danbe u muuqday in uu cidhiidhyanayo siyaasada Australia, balse iyadoo xubin hore uu ka baxay, haday Burston uu isna ka baxo, halkaasi ay kaga furmi doontaa dibu dhac dhanka cidhiidhyadkii siyaasada