Maqaayad ku taal bartamaha Melbourne oo uu wax ku lahaa nin lagu dilay weerarkii Bourke Street ayaa dib loo furay iyadoo si qashuuc leh loo xusay ninkii dhintay.
Sisto Malaspina ayaa waxaa dilay labo qof oo kalana dhaawacay Hassan Khalif Shire oo 30 jir ahaa markii gaari uu kusoo galay magaalada uu dab qabadsiiyay uuna weerar mindi ah bilaabay.
Ninkan maqaayada lahaa oo 74 jir ahaa ayaa markiiba goobta ku dhintay halka Hassan oo boolisku toogtay uu mardanbe ku dhintay cisbitaalka.
Mr Malaspina ayaa qayb ku lahaa had maqaayada Pellegrini ilaa 1974, isaga iyo maqaayaduna waxay noqdeen kuwo caan ka ah magaalada.
A-B-C ayaa soo warisay in mulkiilaha la lagaa maqaayada Nino Pangrazio xusay Mr Malaspina ka hor inta uusan albaabka u furin dadweynaha.
[[ "Maanta waxaan siinaynaa macaamiisha iyo dadka kale fursad ay ku xasuustaan oo dib u milicsadaan goob uu jeclaa Sisto, goob ay macaamiishadayadu jeclaayeen.}}
Aas qaran ayaa loo qaban doonaa Mr Malaspina asbuuca soosocda.