Peter Dutton, oo qorshaynaya in uu soo rogo qorsha adag oo lagaga hor tagayo tahriibayaasha Australia beegsanaya.

Peter Dutton, oo qorshaynaya in uu soo rogo qorsha adag oo lagaga hor tagayo tahriibayaasha Australia beegsanaya.

Australia's Home Affairs Minister Peter Dutton

Five terrorists stripped of Australian citizenship Source: AAP

Dawlada Australia ayaa sheegtay in bilayska Malaysia ay fashiliyeen  tahriibayaal loo badinayo in ay soo beegsanayeen wadanka Australia ama New Zealand.

  Tahriibayaasha oo tira ahaan la sheegay in ay ahaayeen 130 qof, kana soo jeeda wadanka  Sri-Lanka, ayaa bilayska Malaysia ay fashiliyeen, kadib markii ay doontoodu kasoo dhaqaajisay maalintii Talaadada ee lasoo dhaafay Koonfurta xeebaha gobalka Johor ee wadanka Malaysia.

Dadka tahriibayaasha ayaa sida la sheegay isugu jiray 98 raga, 24 haweena, 5 gabdhood iyo 4 wiil.

Bilayska Malasia, ayaa sidoo kale qabqabtay koox wadatay doon yar oo kaluumaysiga loo adeegsado, oo sida la sheegay dadka lagu daabulay, si loo gaadhsiiyo tahriibayaasha doonta ay raacayeen, oo bada dhex hoganaysa, halkaas oo lagu xidhay sadex Indonseya u dhashay  iyo afar Malaysiya u dhashay.

Wasiirka Arimaha Gudaha Peter Dutton, ayaa arintaas u dhigay in ay tahay khatartii tahriibiyaasha oo soo laba kaclaysay, isagoo sheegay in uu doonayo in sharci adag uu kasoo saaro adkaynta xuduudka Australia.

Munaasabaas ayuuna ooga faa’iidaystay, isagoo oogu yeedhay in mucaaradku ay taageeraan qorshayaasha cusub ee looga gol leeyahay in lagu ilaaliyo xuduudka wadanka.


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Peter Dutton, oo qorshaynaya in uu soo rogo qorsha adag oo lagaga hor tagayo tahriibayaasha Australia beegsanaya. | SBS Somali