Hogaamiyaha cusub ee xisbiga Liberalka Peter Dutton ayaa sheegay inuu doonayo inuu dib u hanto kuraastii xisbigu lumiyay doorashadii federalka isagoo diirada saaraya ganacsatada yar yar iyo cod bixiyayaasha uu ku tilmaamay 'Australianka la iloobay".
"Marka la gaaro doorashada soo socota ee federalka 2025. Waxaan u soo bandhigaynaa shacabka Australia qorshe lagu nadiifinayo dhibka ay Laborku gaysandoonaan. Waxaan u soo bandhigaynaa aragtideena. Ma noqonayno Labor wax dhiman. Waxaan taageeraynaa siyaasadaha adadag ee lagu horumarinayo nolosha shacabka Australia. Siyaasadeheena waxaa gabi ahaanba looga dan leeyahay in wax loogu qabto Australia la iloobaty ee ku bool dhamaan Australia oo dhan. Qoysaska iyo ganacsatada yar yar oo Laborku noloshooda sii adkayn doono."
Xisbiga ayaa lumiyay ugu yaraan 7 ka mid ah xaafadaha ku yaal magaalooyinka waaweyn ee Sydney iyo Melbourne oo ay ku guulaysteen xildhibaano madax banaan oo u ololaynayay isbadalka cimilada, sinaanta haweenka iyo raga iyo in la aasaaso hay'adda la dagaalanka musuq maasuqa oo federal ah.
Ku xigeenada cusub ee xisbiga Liberalka Sussan Ley ayaa sheegtay inay doonayso inay dib u hanato cod bixiyayaashii haweenka ee ka codeeyay xisbiga doorashadan.
"Waa ognahay inaynaan helin taagerada haween badan doorashadan, fariintayda haweenka Australian waa inaan maqalnay, waan idin dhagaysanayna, waxaa naga go'an inaan dib u helno kalsoonidiina."
Mr Dutton ayaa sheegay inuu kala shaqayndoono golihiisa wasiiro sugayaasha (shadow cabinet) xisbiga sidii loo meel marin lahaa siyaasadaha xisbiga ee sadexda sano ee soo socda.
Arinta la xariirta hay'ad la dagaalanta musuqa, Mr Dutton ayaa sheegay inuu qorshaynayo inuu kala shaqeeyo xildhibaanada madaxa banaan ee Helen Haines noocii ay sanadkii la soo dhaafay hindistay.
"Aad baan u taagersanahay samaynta hay'adda la dagaalanka musuqa (ICAC), waligayna waan aaminsanaa hufnaanta. Marka waan soo dhawaynayaa in la isla xisaabtamo, waa wax fiican. Waan ka shaqayndoonaa faahfaahinta, aad baana u sugayaa inaan la hadlo Helen Haines oo ah xildhibaanad aan aad u ixtiraamo."
Hogaamiyaha mucaaradka cusub ayaa sidoo kale sheegay inuu iska badalay halkii uu hore uga taagnaa arimaha dadka dalka loogu yimid, isagoo ka shalaayay inuu isaga baxay hadal uu jeediyay Ra'iisul Wasaarihii hore Kevin Rudd 2008 hadalkaas oo raali galin lagu siinayay dadkii loo bixiyay jiilkii la xaday oo ahaa caruur waalidkood ay dawladu ka qaadatay intii u dhaxaysay 1910 ilaa 1970 kii.
Wuxuu sheegay inuu aaminsanaa in raaligalintaas la bixiyo kadib marka xal loo helo dhibaatooyinka bulsheed ee haysta shacabka dalka loogu yimid.