Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Police confirm body found is missing woman Naima Hassan

Missing Naima Hassan
Source: News Corp Australia

Booliska Queensland ayaa xaqiijiyay in maydka haween laga helay koofur bari Brisbane inuu ahaa Naima Hassan oo la waysanaa.

Xubno ka tirsan dadweyanaha ayaa ka helay maydka naima xeebta Birkdale saacadu markay ahayd 5:20 Taladadii shalay.

Naima Hassan ayaa la waayay sabtidii.

Booliska ayaa goobta xiray kana dhigay goob danbi xalay oo dhan joogay halka ay baarayaashu ka sugayaan jawaabta baaritaan lagu hubinayo haybta iyo sababta dhimashada.

Galabta oo arbaco ahaydna boolisku waxay xaqiijiyeen inay maydka la helay uu ahaa naima Hassan oo 27 jir ahayd.

Naciima Hassan ayaa qoyskeeda ugu danbaysay subixii sabtida.,

Waxaase mardanbe caamerooyin qabteen meel meel batroolkka lagubgado oo ku taal Wellington Point markii danban gaarigeeda laga helay Wellington Parka reserve axadii.

Booliska ayaa sidoo kale xaqiijiyay inaysan jirin wax shaki muujinaya. Waxayna warbixin u diyaarinayaan  coronerka oo ah dhaqaatiirta baarta sababta qofku u dhintay.


1 min read

Published

Updated



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now