Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Premier Andrews oo shaqada ka cayriyay wasiir ka tirsanaa golihiisa wasiirada.

(L-R) Jaclyn Symes, Gabrielle Williams, Victorian Premier Daniel Andrews, Melissa Horne and Adem Somyurek.
Soldan sağa Jaclyn Symes, Gabrielle Williams, Victoria Başbakanı Daniel Andrews, Melissa Horne ve Adem Somyurek. Source: AAP

Premierka Victoria Daniel Andrews ayaa sheegay inuu dalbaday in Adem Somyurek laga qaado xubinnimada Xibiga Laborka kadib markay soo bexeen eedo ah inuu xubno been abuur ah kusoo daray xisbiga.

Mr Somyurek oo ka tirsanaa golaha wasiirada dawlada ayaa sidoo kale laga eryay shaqadaas laakiin wuxuu dafiray inuu xubno been abuur ah uu sameeyay si uu awood dheeraad ah ugu dhexyeesho xisbiga gudihiisa.

Mr Andrews ayaa sidoo kale dhaliilay hadalada Mr Somyurek uu ka sheegay wasiirada haweenka iyo ka hortaga rabshada qoyska Gabrielle Williams oo uu raligalin ka bixiyay isagoo hadalkaas ku tilmaamay mid aan haboonayn.

"Waxaan sidoo kale ku amray xeer ilaaliyaha guud inuu u gudbiyo dhamaan arimihii looga hadlay barnaamujkii xalay ka baxay TV-ga, laguna qoray joornaalada qaarkood booliska Victoria iyo hay'adda la dagaalanka musuqumaasuqa Victoria (IBAC.)," ayuu yiri Premier Andrews.

Danny Pearson ayaa maanta loo dhaarinayaa inuu badalo oo noqdo wasiirka cusub.


1 min read

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now