Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Safaaradii Maraykanka ee Israel, oo Qudus loo rarayo.

Safaaradii Maraykanka ee Israel, oo Qudus loo rarayo

safaarad Maraykan
Source: AljazeeraNet

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa Israel u fuliyay balantii uu u qaaday, ee ahayd in safaarada Maraykanka loo soo wareejin doono magaalada Qudus, isla markaasna Maraykanku u aqoonsan doono magaalada Qudus in ay tahay kaliya caasimada Israel.

Wafdi ay hogaaminayso gabadha uu Trupm dhalay Ivanka, iyo ninkeeda oo aabaheed la taliya u ah, ayaa gaadhay Israel, iyadoo Ra'iisulwasaare Benjamin Netanyahu, uu soo dhaweeyay, aadna uu u amaanay garab istaaga Trump.

Qorshaha ayaa waxa uu yahay in maantanimada Isniinta 14 May 2016, waqtiga bariga dhexe, in laga furo qunsuliyada Maraykanka ee Qudus dhexdeeda, qayb ku meelgaadha oo noqota Safaarada Maraykanka ee Israel, kuna taali doonta magaalada Qudus, iyadoo go'aanku uu yahay in si buuxda safaarada loo soo raraa.

Talaabadan oo uu si gaara Trump, iyo qoyskiisu ay u taageerayaan, ayaan iyadu lagala tashanin dhinaca Falastiin, haday noqoto dhanka hogaanka Falastiin, iyo haday noqoto shacab ahaanba.

Talaabadan ayaan horseedi karta degenaansha la'aan kusii koradhta gobalka bariga dhexe, si gaara Falastiin iyo Isra'el, iyadoo ay jirto in dhanka Falastiin ay eegayaan jawaabaha haboon ee ay kaga jawaabi doonaan arintan.

dhanka Qaza ayaa waxaa ka jirta is abaabul weyn oo shacabka Falastiin ay oogu jiraan in banaanbaxyo waaweyn ay ka dhigaan xuduudaka Qaza iyo degaanka Israel, iyadoo ay jirto in tan iyo markii uu Trump qorshahan u balanqaaday Israel, in ay ku dhinteen qalalaasooyinkii xigay dad falastiiniyiina oo ka badan 50 qof.


2 min read

Published

By Mohamed A Madar



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now