Prime Minister Scott Morrison is cutting short his family holiday and returning to Sydney

Prime Minister Scott Morrison says he will return to Sydney as soon as possible.

Source: AAP

Raiisul Wasaare Scott Morrison ayaa soo gaabinaya fasax ay isaga qoyskiisu ku jireen, wuxuuna kusoo laabanayaa Sydney. Tan ayaa imanaysa kadib markii 2 ka tirsan shaqaalaha dabdamiska oo la dagaalamayay dababaka ka gubaya NSW ay ku dhinteen.

Mr Morrison ayaa asbuucan wajahayay dhaliilo ahaa inuu dalka ka dhoofay iyadoo dalka ku jiro dabab xoogan oo ka socda goboloda qaar.

Mr Morrison ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay gafka ka dhacay markuu qoyskiisa fasax la galay.

Mar la waydiiyay inay ahayd inuu sheego inuu fasax galayo, ayuu Mr Morrison u sheegay idaacad ku taal Sydney inuu raacayay nidaamkii uu raaci jiray markasta oo uu fasax aadayo.

"Fasax ayaan qaatay bishii June, waxaan raacay qaabkan mid la mid ah, mana sii sheegno inta badan meesha aan aadayno. Dabcan fasax ayaan qoyska la galay waana hubaa in shacabku fahamayaan waana waxa dadka reer Australia oo dhan ixtiraaman. Laakiin markan waxaa dhacay wax masiibo ah oo sida la garan karo sababtay walwal badan. Aad baana uga xunahay aniga xaaskayga Jenny," ayuu yiri RW Scott Morrison.


Share

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand