Prime minister Turbull on one nation preference deal

The Prime Minister is refusing to rule out the possibility of future preference deals with Pauline Hanson's One Nation Party at a federal level.

WA Election fallout

Australian Prime Minister Malcolm Turnbull meets families in Evatt Memorial Park with David Coleman MP in Sydney, (AAP Image/Brendan Esposito) Source: AAP

 Raiisul wasaaraha ayaa diiday inuu meesha ka saaro suurtogalnimada in mustaqbalka heshiis codad isdhaafsi ah ay la galaan xisbiga One Nation heer federal.

Tan ayaa imanaysa kadib markii heshiis muran badan dhaliyay oo xisbiga One Nation iyo xisbiga Liberalku doorashadii WA ku heshiiyeen lagu guul daraystay.

RW ayaa iska fogeeyay natiijadii guuldarada ee xisbiga Liberalka kaga dhacday doorashadii WA ee asbuucan dabayaaqadiisii.

Xisbiga ayaa 20 kursi waxaa kala wareegay Xisbiga Laborka iyadoo si xun looga adkaaday kadib 8 sano oo ay talada gobolka hayeen.

Mr Turnbull ayaa siyaasadiisa iyo tan xisbigiisaba ka fogeeyay guuldarada isagoo yiri

f3146a                     TURNBULL                                      22s

"Doorashadu waxay badankeedu ku salaysnaa arimaha gobolka gudihiisa ah cidwalbana taas waa ogtahay..Waxay ahayd doorasho gobolka WA qusaysa waxaana lagu dagaalamay arimo quseeya gobolka, codbixiyayaashuna waxay go'aankooda ku qaateen arimaha gobolka, natiijaduna waxay ahayd mid la filayay intii mudo ah"

Arinta aad looga hadlayay intii lagu jiray ololaha doorashada waxay ahayd heshiiska doorbidida codadka oo One Nation la gaartay Liberalka iyagoo ka leexday xisbiga ay isbahaysiga yihiin ee Nationalka.

Xisbiga Liberalka ayaa rajaynayay inay helaan codadka labaad ee codbixiyayaal ay islahaayeen waxay u goosanayaan dhanka xisbiga One Nation.

Dadka ka danbeeyay heshiiskan ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka maaliyada Mathias Corman.

Wuxuu wasiirku Sky News u sheegay in xisbiga Liberlaku doonayay inay yareeyaan guuldaradooda.te.

Laakiin heshiiskaas ayaa looga hadlay sababtoo ah waxay kasoo horjeeday siyaasadii RW hore ee Liberalka ahaa John Howard oo waligiis liiska doorbidida codadka meesha u danbaysa ka gayn jiray One Nation.

One Nation ayaa aad uga hoosmaratay codadkii la saadaalinayay inay ka helayso doorashada WA.

Waxaa la saadaalinayay inay helayaan tiro kuraas ah oo ka mid ah baarlamaanka WA iyadoo ay dhici kartay inay miisaanka awooda gobolka qabtaan.

Waxayse u muuqataa inay helayaan hal kursi oo ka mid ah aqalka sare waxna aysan ka helayn aqalka hoose

Hogaamiyaha mucaaradka federalka Bill Shorten ayaa sheegay in la gaaray waqtigii xisbiyada waaweyn ay xariga u goyn lahaayeen.

"Mr Turnbull waa inuu yiraahdo waan qaatay casharkii WA. Waa inuu meesha ka saaro inuu wax heshiis codad ah la gaaro One Nation. Isagaa ah hogaamiyhii dalka waa inuu meesha ka saaro, anigu meeshaan ka saaray isna waa inuu sidaas yeelo"

Laakiin Raiisul Wasaaraha ayaan meesha ka saarayn waxba.

Isagoo sheegay in heshiisyada codadka doorbida in loogu talo galay doorashooyinka.

5 Doorasho goboleed ayaa la filayaa inay dhacaan 3 sano ee soosocda iyo waliba kan federalka.

Doorashada  Queensland ayaa la filayaa inay dhacdo sanadkan waana halka One Nation ay ugu taageero badan tahay.


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Prime minister Turbull on one nation preference deal | SBS Somali