Madaxweynaha wadanka Ruushka Vladimir Putin, ayaa markii maalintii Istiinta ahayd loo dhaariyayay markii afraad madaxweynaha wadanka Ruushka.
Doorahsadan waqtiyadii ay dhacaysay ayaa khilaaf dulamaasiyadeed wadanka Ruushku uu wajahay, iyadoo ay la xidhiidhay jaasuuskii hore ee Ruushka ee London lagu sumeeyay.
Halka Putin, la caleema saarayay, ayaa daafaha wadanka Ruushka lagu soo waramayaa in ay mudaharaadyo balaadhan ka dhacayaan, kuwaas oo kasoo horjeeda madaxweyne Putin.
Balse Putin ayaa u muuqda mid aan dhag u dhigan mudaharaadyadaas, isagoo haatay ay u taala hawla badan oo ay ka mid yihiin colaad dublamaasiyadeed oo u dhaxaysa wadamada reer galbeedka qaar ka mida iyo wadanka Ruushka, wadamadaas oo la saftay wadanka Ingriiska.