Wasiirka tamarka iyo cimilada dawlada federalka Australia Chris Bowen ayaa la kulmay madaxdii hore ee hay'addaha adeegyada degdega ah- madaxdan ayuu RW hore Scott Morrison diiday inuu la kulmo ka hor dabkii kaymaha ee 2019/2020.
Dawlada cusub ayaa isku dayaysa inay muujiso inay dawladii hore ee isbahaysiga uga duwan tahay siyaasada sibadalka cimilada.
Madaxdii hore ee hay'addaha adeegyada degdega ah ayaa soo dhaweeyay wadada cusub ee dawladu qaadayso, laakiin waxay ugu baaqayaan dawlada Laborka inay sii balaariso yoolka lagu dhimayo wasaqda hawada warshadaduhu ku sii daayaan oo la yareeyo qiiqa 75% marka la gaaro 2030.
Dhanka kalana gobolada xeebaha bari ee Australia ayaa wajahaya gaas iyo koronto yaraan iyadoo qiimahoodu cirka isku shareeray ayuu Mr Bowen sheegay in la wajahayo dhibaatooyin ay sababeen arimo is biirsaday oo suuqa tamartu maarayn la'yahay.
"Xaalada adag ee aan wajahyno eedeeda ma saarayo dawaladii naga horaysay. Waxaanse leeyahay: 9 sano oo dafiraadii iyo daahintii dawladii hore, 23 siyaasado tamareed, siyaasahaha ay haddba badalayeen ayaa sababtay in Australia iyo suuqa tamartu aysan diyaar u noqon caqabadaha aan maanta wajahayno ee la xariira helida gaas iyo koronto."
Mr Bowen ayaa sheegay inuu la kulmidoono dhamaan wasiirada tamarta ee gobolada dalka todobaadka soo socda oo uu kala hadli doono arimaha gaaska iyo korontada.