Weli waxaa Caasimada Somaliya ee Magaalada Muqdisho kasocda Qaraxyo lasoo qorsheeyey oo ay ku dhintaan dad aan waxba galabsan iyo Ciidamada dawlada,
Subaxnimadii Hore ee Saaka Xiliga Muqdisho waxaa degmada Xamarweyne Lagu Khaarijiyey Mid kamid ah Shaqaalaha dawlada oo gaarigiisa loogu xiray bambaano, saacada kadib waxaa nin isku soo miineeyey qalxaha qarxa isku qarxiyey xarun ciidan oo kutaala Degmada wadajir ee gobolka banaadir, ninkaas ayaa lasheegay inuu dlay ku dhawaad 15 oo u badan askarta ciidanka DFS .
Qaraxyadana oo ilaa shalay ay ahaayeen kuwa isdaba jog ah ayaa imanaya kadib markii uu madaxweynaha ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al Shabaab iyadoo islamarkana uu isbedel ku sameeyey laamaha Amaanka qaranka