Ugu yaraan 80 qof ayaa ku dhimatay tiro badana way ku dhaawacmeen ka dib markii gaari xamuul ah la jiir siiyay dad u dabaaldegayay Maalinta Bastille, taasoo ka dhacaysay magaalada Nice ee Faransiiska .
Dacwad oogaha Nice, Jean-Michel Pretre, ayaa sheegay in gaariga uu xawaaro dheer dadka ku dhexmarayay masaafo laba kilo mitir ah, ka hor inta aanay boolisku toogasho ku dilin darawalkii waday.
Gaariga gudihiisa ayaa waxaa laga helay hub iyo banbooyin.
Askarta la dagaalnka argagaixisada ayaa la wareegtay baaritaanka weerarka.
Madaxweyne Hollande ayaa shaaciyay in Faransiiska uu kusii jiray xaaladda degdeg ah, isla markaana kumannaan milateri iyo boolis isugu jira ay ka qeyb qaadan doonaan sugida ammaanka dalkaasi.
Warbaahinta Faransiiska ayaa sheegeysa in warqado aqoonsi oo gaariga laga dhex helay ay muujinayaan in darawalka uu ahaa Faransiis asal ahaan Tunisia kasoo jeeda.
Ma jirto cid sheegatay ilaa iyo haddamas’uuliyadda weerarkan.
