Qaxootiga Australia oo raja ka dhex waayey ololaha doorashada.

Qaxootiga Australia jooga ama hoos yimaada ayaa jira in ay la noolyihiin xaalad hubaanti la'aana dhanka mustaqbalkooda, sababtoo ah Australia waxey mar hore qaadatay siyaasad ah in qaxootiga doomaha ku yimaada ayna Australia waligood dagin.

Refugees on Nauru

Source: AAP

Labor-ka iyo Isbaheysiga Xukunka haya Australia ( Liberal Party & National Party) ayaan wax qorsha ah ku darsanin ololahooda doorasho oo ay wax ugu qabanayaan qaxooti kor u dhaafaya  500 oo qof, oo badankood ay joogaan  Nauru iyo Pupua New Guinea

Dawlada ayaa dhameystirtay heshiis ay 450  ka mida qaxootiga Australia hoos yimaada, in wadanka Zew Zealand uu dib udajin u sameeyo sadexda sano ee nagu soo aaden, halka ay Maraykankuna uu  dib udajin u sameynayo 250 kale.

Balse tirada qaxootiga intaasi way ka badantahay, waxaana jira haatan cadad dhan 1,380 qaxootiya , oo Australia yimid kadib sharcigii ay Laborku soo saareen 2013, kaasoo ay ku dhawaaqeen in qaxootiga doomaha ku yimaada ayna wligood Australia dagi doonin.

Dhinacyada u ololeeya Xuquuqda qaxootiga ayaa walaac ka muujiyey sida ayna xukuumadihii kala danbeeyey waxba ooga qabanin hawshan qaxootiga, haatana ayna ololaha doorashada labada dhinac ayna uga dhex muuqan wax isbadala oo arinta qaxootiga khuseeya.


Share

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Qaxootiga Australia oo raja ka dhex waayey ololaha doorashada. | SBS Somali