Hooyo Soomali ah ayay maxkamad ku heshay labo dacwo oo ahaa inay caruur ka kaxaysay Queensland kadibna lasoo guday.
Waa kii ugu horeeyay oo dacwo noocaan ah ka dhacdo Queensland. Xeer beegto loo saaray kayskan ayay ku qaadatay oo kaliya saacad inay ku heleen in hooyadan ay labadeeda gabdhood oo jiray 9 iyo 12 gaysay Somaliya 2015 si loosoo gudo.
Xukunka hooyadan 45 jirka ah ayaa taariiq danbe loo qabtay laakiin waxay wajahaysaa xabsi gaari kara ilaa 14 sano.
Qareenka u doodayay hooyadan ayaa codsaday in xukunka haweentan dib loo dhigo maadaama ay qabto cudurka kansarka oo jirkeeda ku fiday.
Magaca hooyadan iyo gabdheheeda ayaan sharciyan la shaacin karin
Hooyadan ayaa maxkamada ka hor sheegtay inaysan danbigan galin maalintii isniinta ahayd.
Dacwad oogaha kayskan Dejana Kovac ayaa xeer beegtada u sheegtay in gudniinka gabdhuhu uusan wax faaiido caafimaad lahayn haba yaraatee.
“Waxay labadan gabdhood gaysay dalkeedii hooyo ee Soomaliya halkaas oo laftigeeda lagu fuliyay falkan gudniinka oo arxanadarada ah" ayay tiri Ms Kovac.
“Waraysi boolisku ka qaaday ayay hooyadan ku sheegtay inay caruurteeda waxkasta u samayn lahayd laakiin sida cad kamaysan difaacin dhibkan, runtiina waxayba samaysa taas badalkeeda oo ah inay kula kacday wax binaadanimadooda wax u dhimaya nooca ugu xun"
Intii maxkamdu socotay ayaa lagu dhagaystay in labadan gabdhood oo Australia ku dhashay Soomaliya la geeyay 2015 markii ugu horaysay loona sheegay inay fasax aadayaan iyaga hooyadood iyo labo kale oo walaalohood ah
Dhowr maalmood kadib maray Soomaliya tageena labada gabdhoodba waxaa lagu guday guriga ayaydood.
Markay soo noqdeen dabayaaqadii 2015 gabadha ugu wayn ayaa booliska u sheegtay in hooyadood la joogtay markii la gudayay aanan lagu durin wax xanuunka ka qaada ama aanla suuxin ayna xanuun ka dareemaysay xubinta jirka ee laga kaadsho.
Dacwad oogaha ayaa aad ugu tiirsanaa marqaatigii dhaqtarka caruurta oo baaray labadan gabdhood waxyar kadib maray Soomaaliya kasoo laabteen.
Wuxuu dhatarku ogaaday in xubinta taranka ee gabdhaha la jaray.
Waraysigii booliska uu gabdhaha iyo hooyadood la yeeshay iyo 5 marqaati ayaa maxkamdu dhagysatay 2 maalmood oo kayskan uu maxkamada ka socday.