Wadanka Sri Lanka ayaa haatan wajahaya qalalaasooyin siyaasadeed, kadib markii ay dibad baxayaal qabsadeen labadii xarumood ee wadanka looga talinayey, xafiiskii madaxweynaha iyo kan Ra’iisul Wasaaraha.
Talaabadan dibad baxayaasha ayaa waxaa weheliya in ay tira wasiira ah iska casileen jagooyinkoodii, iyadoo la filayo in tira kalena ay is casilaan, tan oo ka mida culaysyada lagu doonayo in nidaamka haatan wadanka ka taliya in awooda uu baneeyo, kadib markii uu waxba ka qaban waayey dhaqaalaha wadanka oo hoos u dhacay.
Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in madaxweynaha wadanka Gotabaya Rajapaksa uu balan qaaday in uu is casili doono maalinta arbacada, halka uu Ra’iisul Wasaaraha wadanaka Ranil Wickremesinghe isaguna balan qaaday in uu is casilayo.
Dibad-baxayaasha ayaa ku haray qasriga madaxweynaha iyo kan ra'iisul wasaaraha, iyagoo sheegay inay sii joogi doonaan ilaa inta is-casilaaddu ay si rasmi ah u dhacayso, lagana helayo hoggaan cusub.
Axsaabta mucaaradka ee Sri Lanka ayaa kulan ay yeesheen ku heshiiyey in ay dhisaan dowlad cusub, maalin kadib markii madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay u soo bandhigeen inay xilka iska casilaan markii dibad baxayaashu ay weerareen guryahooda.
Sri Lanka ayaa dhawr bilood la daalaa dhaceysa cunto yari ba’an, shidaal iyo dawo yari, iyo dhaqaale xumo tii ugu darneyd tan iyo markii uu dalkaasi xornimada qaatay 1948-kii, ka dib markii cudurka Covid-19 ku uu sababay hoos u dhac weyn oo ku yimid dakhligii dalxiiska iyo xawaaladaha qurbaha.