Waxaa Jakarta ka socda wadahadalii ugu horeeyay oo fool ka fool u dhexmara Australia iyo Indosesia.
Wasiirada Arimaha dibadda Australia Penny Wong ayaa hore ula kulantay dhogeeda Retno Marsuda iyadoo Australia doonayso inay sii adkayso xiriirka ay leedahay dalkan dariska la ah.
Ra''iisul Wasaare Athony Albanese ayaa la kulamaya dhigiisa Joko Widodo kadib xaflad si rasmi ah loogu soo dhawaynayay qasriga Bogor.
Subixii horena wuxuu Madaxweyne Widodo la quraacday wafti ganacsato Australian ah halkaas oo uu us heegay in qorshaha kor loogu qaadayo xiriirka u dhexeeya Australia iyo dalkan ku yaal koofur bari Aasiya.
Mr Albanese ayaa markii uu Jakarta ka soo degay u sheegay wariyayaasha in booqashada oo dhan ay noqondoonto mid muhiim ah oo mira dhasha.
"Safarkaygii ugu horeeyay markaan hogaanka Laborka qabtay waxaan ku tagay Indonesia, haddana waxaa doonayaa inaan xaqiijino in booqashadayda koowaad aan Indonesia ku imaado. Waxaana aad u sugayaa in wadahadalka aan la yeelandoono madaxweyne Widodo oo lagu xoojinayo xiriirka dhaqaale, in wax laga qabto isbadalka cimilada, gargaarka dibadda iyo in ka kordhiyo xiriirka labada shacab ee mustaqbalka."