Ra’iisul Wasaaraha cusub ee wadanka New Zealand Chris Hipkins ayaa booqasho ku imani doona Australia todobaadka nagusoo aadan.
Booqashadan ooh al maalin qaadan doonta ayaa dhici doonta - sida la qoondeeyey - Talaadada soo socota, 07 February 2023, tan oo noqoneysa Ra’iisul Wasaaraha cusub ee New Zealand booqashadiisii ugu horeysay ee uu wadan dibada ah ku aado tan iyo markii uu badalay todobaadkii hore Jacinda Ardern Ra’iisul Wasaarihii hore ee iska casishay jagada.
Mr Hipkins ayaa la kulmi doono ra’iisul wasaare Anthony Albanese, iyadoo ay kawada xaajoon doonaan sare usii qaadida xidhiidhka labada wadan.
2023 ayaa noqoneysa sanad guul u ah xiriirka Australia iyo New Zealand, oo calaamadeynaya 40 sano ee xiriirka dhaqaalaha dhow ee heshiiska ganacsiga xorta ah iyo 50 sano ee Qorshaha Socdaalka Trans-Tasman.
Ra’iisul Wasaare Hipkins ayaa sidoo kale la filayaa in Albanese uu lasoo qaadi doono arimo horaan ay uga wada hadleen Jacinda Ardern iyo Albanese, oo ay ugu horayso arinta sharci helida dadka ree New Zealand ka ah ee ku dhaqan wadanka Australia, arintan oo ay xukuumada Albanese ay balan qaad ka samaysay in ay dadka reer New Zealand u samaynayso hab raac sahlaln oo ay sharciga Australia ku helayaan.
Ra’iisul Wasaare Anthony Albanese ayaa isagu ahaa masuulkii ugu horeeyey ee u hanbalyeeya Hipkins kadib markii uu badalay Jacinda, iyadoo dhinaca kalena la sheegay in labada masuul ay wadaagaan saaxiibtinimo hore oo ka horeysay masuuliyda ay haatan labada wadan u kala hayaan.