Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabey lataliyaal iyo agaasimayaal xafiiskiisa .
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre, Ayaa sameeyey magacaabistii ugu horeysay, isagoo magacaabey lataliyaashiisa gaarka ah iyo agaasimayaasha xafiiskiisa.
Magacaabista Ra’iisul Wasaaraha :
Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska RW:
Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa loo magacaabay
Maxamed Abuukar Zubeyr.
Lataliyaasha Ra’iisul Wasaaraha ee la magacaabey:
1- La Taliyaha Amniga – Kamaal Guutaal.
2- La Taliyaha Arrimaha Dib u heshiisiinta – Ali Abdi Awaare.
3- La Taliyaha Xiriirka Caalamiga ah – Dr Hothon Osman .
4- La Taliyaha Arrimaha Siyaasadda – Dr Ahmednur Mohamed Uleex.
Agaasiyaasha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee la magacaabay:
1-Afhayeenka ahna Agaasimaha Warbaahinta – Farhaan Maxmaed Jimcaal.
2- Agaasimaha Hab-maamuuska Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Cabduullaahi Shariif Cabdi.
3- Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Haashim Maxamed Cali.
Magacaabistan ayaa waxey hordhac u tahay magacaabista wasiirada ee la filayo waqti kasta oo nagu soo aadan in ay dhacdo.