Munaasabada xilwareejina oo ay masuuliinta dowlada qaar kamida kasoo qayb galeen ayaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble uu xilkii si rasmiya ugu wareejiyey Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.
Munaasabada Xil wareejinta ayaa labada Ra’iisul Wasaare ka hadleen, iyadoo RW Xamse uu mahad celin uu utabiyey RW Maxamed Xuseen Rooble, iyo dhamaanba Ra’iisul Wasaarayaashii hore, isagoo sheegay qaarkood in ay duruufa adag kusoo shaqeeyeen.