Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Ra'iisul Wasaarihii hore ee Japan oo toogasho lagu dilay.

Shinzo Abe Ra'iisul Wasaarihii hore ee Japan ayaa maanta 08 July 2022 toogasho lagu dilay.

Former Japanese Prime Minister Shinzo Abe has died in hospital after being shot during a campaign speech

Former Japanese Prime Minister Shinzo Abe has died in hospital after being shot during a campaign speech Source: AAP

Ra'iisul wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe ayaa ku dhintay isbitaal kadib markii la toogtay xilli uu khudbad ka jeedinayay olola doorasho.

Mr Abe ayaa la toogtay xilli uu olole doorasho ka socday magaalada Nara ee galbeedka Japan uu khudbad ka jeedinayey, kaddib markii nin qori gacan ku sameys ah uu rasaas ku furay.

Dhaawaca Shinzo ayaa loola cararay isbitaalka balse warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in saacado kadib uu u dhintay dhaawac kasoo gaaray rasaasta ka haleeshay qoorta iyo laabta.

Muuqaal la soo duubay ayaa muujinaya 67-jirkan oo taagan masrax uu ka jeedinayay khudbad uu ka jeedinayay ololaha doorashada markii la maqlay qarax weyn oo uu qiiq hawada ka muuqday.

Ra’iisul wasaaraha Japan Fumio Kishida, ayaa ku tilmaamay dilkaasi mid aan la cafin karin.


1 min read

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now