Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Md. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa u mgacaabya Ra'iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Rooble ayaa baddali doona Xasan Cali Kheyre oo xilka uu baarlaamku ka qaaday bishii July.
Qoraal ka soo baxay madaxtooyada dalka ayaa lagu sheegay in "Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Raiisul Wasaare Rooble In uu deg-deg ku soo dhiso Xukuumad tayo leh oo dalka horseedda in ay ka dhaqan geilso doorasho."
Magaacabidda ayaa imaaneysa iyadoo isla maanta aya madaxda dawlad goboleedyada iyo kuwa federalku isku raaceen qaabka doorashada dalku u dhici doonto.