Raysul wasaarihii hore ee Australia oo saaka caruurtiisa Schoolka geeyey.

Raysul Wasaarihii hore ee Australia ayaa waraysi lala yeeshay ku sheegay inuusan siyaasada federalka Australia ka fadhiisan doonin, sheegayna inuu doonayo in hda wixii ka danbeeya uu qoyskiisa waqti badan la qaadan doono, isagoo saaka caruurtiisii schoolka uqaaday.

Prime Minister Scott Morrison and daughters Abbey and Lily arrive at an Australia Day Citizenship Ceremony and Flag Raising event in Canberra, Sunday, January 26, 2020. (AAP Image/Mick Tsikas) NO ARCHIVING

Prime Minister Scott Morrison and daughters Abbey and Lily Source: AAP

Waraysigii ugu horeeyey ee lala yeeshay Raysul Wasaarihii hore ee Australia Scott Morrison, kadib markii doorashadii Australia ka dhacday Sabtidii 21/05/2022 lagaga adkaadey isbahaysigii uu hogaaminayey, oo idaacada 2GB, layeelatay, ayaa waxa uu sheegay in uu dib ugu noqonayo nolashiishii dabiiciga ahayd iyo goobtii ay ku noolaan jireen ee haatana uu ku matalo Baarlamaanka Austraia.

Waxaa kale oo uu sheegay waqtiga waraysiga laga qaadayey oo aroornima hore Khamiista 26/05/2022 ahayd,  in aroornimadaasba uu gabdhihiisii (laba gabdhood uu dhalay) isagu schoolka geeyey, oo uu markaas la wareysanayo kasoo laabtay.

Waxa uuna sheegay in uu hada jecelyahay in uu aaba dhaba noqdo, waqti badana reerkiisa la qaato, maadaama culayskii hogaanku ka fududaaday.

Scott Morrison, ayaa waxa uu sheegay in uu ka xunyahay guuldarada ku dhacday isbahaysigii uu hogaaminayey, balse sheegay in uusan aheyn nin dhanka xun kaliya wax ka eegaya , uuna aad ugu faraxsanyahay shacabka Australia kalsoonidii ay siiyeen in uu wadanka hogaamiyo, noqdana Raysul Wasaare.

Dhanka kale Morrison waxa uu sheegay in uusan siyaasada federaalka Australia ka fadhiisan doonin waqtigan la joogo.

 

 


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Raysul wasaarihii hore ee Australia oo saaka caruurtiisa Schoolka geeyey. | SBS Somali