Recep Tayyip Erdoğan oo wajahaya wareeg labaad doorashada madaxweyne ee Türkiga

Doorashadii Turkiga ee aadka loo sugayay ayaa ku dhamaatay in wareeg labaad la isla aado, markii madaxweyne talada haya Tayyip Erdoğan iyo- hogaamiyaha mucaaradka Kemal Kilicdaroglu ay gaari waayeen 50% codadka ee looga baahnaa inay gaaraan si ay ugu guulaystaan doorashada.

Turkish voters yelling in a public area and waving flags.

Türkiye's most consequential election in a century may see the ousting of incumbent and controversial President Tayyip Erdoğan after an imperious 20-year rule. Credit: Jeff J Mitchell / Getty Images

Türkiye ayaa u muuqata in wareeg labaad la aadayo markii Tayyip Erdogan iyo ninka ka soo horjeeda Kemal Kilicdaroglu midkoodna gaari waayay tiradii codadka ee la rabay doorashada Axada oo loo arkayay mid go'aan looga gaarayo xukunkii Mr Erdogan oo talada dalka hayay 20 sano kuna socda wado kaligi taliyenimo.

Iyada oo ku dhawaad 91% codadka la tiriyay labada dhinac ayaa labaduba sheegtay inay codadka ku horeeyaan, tiradana ka dooday, kana digay in si degdeg ah oo aan laga fiirsan loogu dhawaaqo natiijada doorashadan aadka loogu kala qaybsan yahay.

Cod aruurin la sameeyay wax yar ka hor doorshada ayaa muujinaysay in aad la isugu dhow yahay laakiin labo cod aruurin oo la sameeyay Jimcadii ayaa Mr Kilicdaroglu siiyay 6 dhibcood oo isbahaysigiisu ku horeeyo oo waliba midkood muujiyay in uu gaarayaa 50% codadkii laga rabay.
Doorashadan madaxweyne ma go'aaminayso oo kaliya cida hogaaminaysa Turkiye oo xubin ka ah xulufada NATO ayna ku nool yihiin 85 milyan oo qof, ee waxaa sidoo kale laga sugayaa inay Turkiye ay dib ugu celiso dal calmaani ah oo dimoqraadi ah, iyo sidii wax looga qaban lahaa maciishada cirka isku shareeraysa, sida ay u maaraynayso xiriirada caalamiga ah ee ay la leedahay caalamka intiisa kale sida Ruushka, Bariga Dhexe iyo Reer Galbeedka.

Maxaa dhacaya haddii Erdogan looga adkaado doorashada?

Doorashada madaxweynaha Turkiye ee soo socda waa go'aanka ugu saamaynta badan ee taariiqda dalka jira 100 sano, wuxuuna saamaynayaa oo kaliya dalal badan oo kale.

Haddii laga adkaado Mr Erdoğan, oo ka mid ah saaxiibada ugu dhow madaxweyne Putin, waxaa laga yaabaa inay ka nixiso Putin laakiin uu maamulka Biden, Madaxda Bariga dhexe iyo Midowga Yurub ay jeclaystaan maadaama ay dhamaantood xiriir fiican la lahayn madaxweynaha Turkiye.
Hogaamiyahan ugu waqtiga ugu dheer u soo talinayay Turkiye ayaa dalkan ka tirsan NATO ahan kana labaad ee ugu wayn Yurub dal door wayn ka qaata caalamka, dalka casriyeeyay oo ka dhisay buundooyin, cisbitaalo, garoomo diyaaradeed, sidoo kalana dhisay warshado hub oo dalal badani doonayaan inay ka iibsadaan.
Dadka dhaliilsan Erdogan ayaa ka cabsi qaba in haddii uu guulaysto uu sii noqonkaro kalaigi taliye. Madaxweynaha 69 jirka oo qibrado badan u leh doorashooyinka ayaa sheegay inuu ixtiraamayo dimoqraadiyada, wuxuuna dafiray inuu yahay kaligi taliye.

Turkish citizens at a rally waving Turkish flags.
Supporters of the Turkish presidential candidate Kemal Kilicdaroglu reacting after early exit polls at the Republican People's Party (CHP) headquarters in Ankara, Türkiye. Credit: Burak Kara / Getty Images
Iyada oo 89.5% codadka la tiriyay, xulufada Mr Erdogan ayaa u muuqda inay heleen aqlabiyada kuraasta baarlamaanka oo ay ku guulaysteen 323 kursi oo ka mid ah 600 kursi ee baarlamaanku ka kooban yahay, taasoo ah natiijo aad uga fiican tii ay filayeen.

Mr Erdoğan ayaa taageero xoogan ka haysta Turkida diinta aadka ugu adag oo waa dareemi jiray in lagu takooro Turkiye oo ahaa dal calmaani ah. Erdogan ayaa ka soo badbaaday eedo musuqmaasuq iyo isku day cinqilaab 2016.

Hase yeeshee haddii shacabka Turkigu ay tuuraan Erdogan waxay sababtu tahay in hantidii iyo awoodii u lahaayeen inay soo iibsadan waxyaalaha nolosha daruuriga u ah ay hoos u dhacday maadaama sicir bararku uu gaaray 85% bishii October 2022, waxaa sidoo gabi ahaanba qiimo beelay lacagta Turkiga ee Liraha.

Share

Published

Source: Reuters

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand