Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Warbixino ayaa sheegaya in Shiinuhu ay basaaseen xarunta Midoowga Afrika.

Warbixino ayaa sheegaya in Shiinuhu ay basaaseen xarunta Midoowga Afrika.

African Union Headquarters
Source: theguardian.com

 

Warbixin lagu daabacay wargayska  Le Monde, ee kasoo baxa dalka Fransiiska ayaa sheegtay in Shiinuhu ay bassaaseen dhismaha midawga Afrika ee ku yaala Addis Ababa, Ethiopia.

Dhismahan la sheegay in la bassasay, oo ka kooban 20 dabaq, ayaa waxaa si buuxa u dhisay shiinaha, ooguna deeqay Midoowga Afrika, iyadoo la sheegay in ay ku baxday aduun dhan $ 200/   oo Million, lana furay sanadkii 2012.

Wargayska Le Monde  ayaa waxa uu daabacay - isagoo kasoo xigtay ilo wareed Midoowga Afrika ah, oo aan la shaacin -  in xogaha ku kaydsan Kombuyutarada xarunta Midoowga Afrika  in si joogta ah, habeen kasta mudo shan sano gudahooda loogu  wareejin jiray qalab yaala Shiinaha.

Warkan, oo ay Midoowga Afrika iyo Shiinuhuba beeniyeen,  ayaa u muuqda mid xasaasiyad leh hadii ay cadaato in arintaasi ay jirto, iyadoo saamayni doonta  xidhiidhka Midoowga Afrika iyo Shiinaha.


1 min read

Published

Updated

By Mohamed A Madar.



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now