Madaxweynaha Maraykanka ayaa lagusoo waramayaa inuu ka codsaday Ra'iisul Wasaare Scott Morrison inuu ka caawiyo cida ka danabaysa baaritaanka uu waday Robert Mueller oo baarayay faragalin la sheegay inuu Ruushku ku sameeyay doorashadii Maraykanka ee 2016 taasoo Madaxweynaha iyo dad ku dhawdhaw faraha lagu fiiqay.
Jaraaidka New Yor Times ayaa kusoo waramaya in Madaxweyne Trump uu wacay Mr Morrison uuna ka codsaday inuu caawiyo xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanka William Barr oo isna baariayay Rober Mueller.
Xafiiska RW Morrison ayaa xaqiijiyay inay isaga iyo Madaxweynuhu wadahadleen isagoo sheegay inuu markasta ku faraxsan yahay inuu caawiyo Maraykanka markii loo baahdo.