Duqa Magaalada Melbourne Robert Doyle, ayaa is casilay, kadib markii la dhigay isbitaalka, isagooy ku socotay eedaymo la xidhiidha dhanka anshax xumo jinsiya.
Bishii December 2017, ayay ahayd markii Mr Doyle, ay laba dumara kusoo eedeeyeen in uu kula dhaqmay anshax xumo iyo ihaano dhanka jinsiga ah, iyadooy labada gabdhood mid ka mida ay tahay Tessa Sullivan, oo xubin ka ahay Golaha Deegaanka ee Melbourne. taas oo ay iska casishay jagadeedii.
Abukaatihiisa ayaa sheegay in Doyle, uu iska casilay jagadii duqa magaalada Melbourne, iyo Gudoomiyaha Caafimaadka Melbourne. kadib markii xaaladiisa caafimaad ay sii darsatay, lana dhigay isbitaalka.
Gudoonka magaalada Melbourne, oo waqtigii eedaymahan ay soo bexeen gudi madax banaan u saaray hawshan, ayaa la filayaa in maalmaha nagu soo aadan ay eedeeymaha loo haysto Robert Doyle, in ay kasoo saaraan go’aankoodii gabagabada ahaa.