Roger Federer, oo ah ciyaaryahanka tenniska ee u dhashay wadanka Switzerland, ayaa ku guulaystay koobkii ciyaaraha tenniska ee Australian Open.
Guushan ayaa Roger Federer ka dhigaysa in uu noqday ninkii oogu horeeyay ee ciyaaraha tenniska raga ee qof-iyo-qofka ah, oo 20 mar ku guulaysta.
Fiidnimadaii Axada (28/01/2018) ayaa Roger Federr waxa uu la dheelay ciyaartii gabagabada koobka Australian Open-ka, ciyaaryahanka Croatian-ka ah Marin Cilic, isagoo kaga reeyay shan wareeg 6 – 2, 6 – 7, 6 – 3, 3 – 6, 6-1.
Roger, ayaa sheegay guushan uu hantay in ay tahay riyadiisii uu qabay oo xaqiiqoowday.