Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Russia has accused the United States of testing missiles.

Australia rules out US missiles in Darwin
Source: AAP

Dawlada Ruushka ayaa ku eedaysay Maraykanka inuu kicinayo xiisad milatari kadib markuu Maraykanku tijaabiyay gantaalada dhulka laga rido oo nooca Cruise ka loo yaqaano ah laakiin Ruushku wuxuu intaa ku daray inuusan tartan hubeed la galayn Marayknka.

Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka ayaa sheegtay inay tijaabisay gantaal socday masaafo 500 km ah uuna ku dhacay halkii loogu talogalay.

Waa markii u horeeyay oo tijaabo noocaan oo kale la sameeyo wixii ka danbeeyay markuu burburay hashiiskii hubka nuclearka ee la gaaray waqtiyadii dagaalkii qaboobaa.

 Maraykanka ayaa si rasmi ah uga baxay heshiiskii gantaalaha ridada dhexe ee ay hore ula galeen Ruushka kadib markii Marayknaku Ruushka ku eedeeyay inuu ku xadgudbay heshiiskaan, eedahaas oo Ruushku dafiray,

 Ku xigeenka wasiirka arimaha dibada Ruushka Sergei Ryabkov oo ay wakaalada wararka TASS soo xigatay ayaa sheegay in kaasokow tibaadan uusan Ruushku ku talo jirin inuu gantaalo cusub howlgaliyo haddii uusan Maraykanku marka hore sidaa yeelin.


1 min read

Published

Updated



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now