RW New Zealand oo raali galin siisay Muslimiinta dalkaas

New Zealand Prime Minister Jacinda Ardern.

Jacinda Arden is set to release her so-called "Wellbeing Budget". Source: AAP

Ra'iisul Wasaarada New Zealand Jacinda Ardern ayaa raalin galin ka siisay bulshada Muslimiinta ah in dawladu ku guuldaraysatay amaanka ka hor inta uu san dhicin weerarkii argagixiso ee Christchurch.

Hadalka Ra'iisul Wasaarada ayaa imanaya kadib markii la siidaayay warbxin laga sameeyay baaritaan qaran oo loo saaray toogashadii ka dhacday labada masaajid ee ku yaal magaalada oo ay ku dhinteen 51 qof.

Warbixintan oo ka koobnayd 792 bog ayaa lagu faah faahiyay sida ay booliska iyo hay'adaha amaanka NZ ay ugu guuldaraysteen laakiin ma aysan qeexin wax gaar ahaan la qaban karay oo joojin lahaa weerarka.

Ms Ardern ayaa sheegtay inay mabdiyan aqbaleen dhamaan 44 talooyinka warbixinta laga soo jeediyay iyadoo balanqaaday inay abuurayso qorshe lagu hirgalinayo marka la gaaro Maarso sanadka soosocda.

"Ugu danbaynta warbixintan 800 oo bog ah waxaa lagu soo koobi kara hal wax- Muslimiinta reer New Zealand waa inay amaan helaan. Qofkasta oo NZ deggan midabkay doontaan ha yeesheen, diintay doonaan ha haystaan, jinsigay doonaan ha noqdeen waa inay amaan dareemaan. Shacabka NZ waxay mudan yihiin inay haystaan nidaam amni ay ku helaan, taas ayaan naga go'an inaan dhisno."


Share

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand