Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

RW Scott Morrison oo hakiyay ololihiisii kadib shil gaari

Scott Morrison

Scott Morrison Source: AAP / Richard Wainwright

Afar ka mid ah askarta waardiyaysa Ra'iisul Wasaare Scott Morrison ayaa cisbitaal loo qaaday kadib markii gaari ay wateen uu wadada ka baxay kadib shil ay labo gaari isku dhaceen.

 

Arintan ayaa ka dhacday Tasmania oo RW u joogay ololaha doorashada. Labo askari oo ka tirsan booliska federalka iyo labo ka tirsan booliska Tasmania ayaa dhaawacyo fudud soo gaareen.

 

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa lagu yiri "Dhamaan askartu wax way kala garanayeen oo xayi ayay ahaayeen markii cisbitaalka loo qaaday," darawalka gaariga kale dhaawac ma soo gaarin".

 

Mr Morrison kuma jirin gawaarida shilka galay, laakiin wuxuu hakiyay intii ka harsanayd ololihiisa doorashada ee galabta.

 


1 min read

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now