Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

RW Scott Morrison oo ku baaqay in danbi lagu soo oogo cidii ka qayb gasha dibad baxyo kale.

Australian Prime Minister Scott Morrison reacts during House of Representatives Question Time at Parliament House in Canberra, Wednesday, April 8, 2020. (AAP Image/Lukas Coch) NO ARCHIVING
Australian Prime Minister Scott Morrison reacts during House of Representatives Question Time at Parliament House Source: AAP

Ra'iisul Wasaare Scott Morrison ayaa ku baaqaya in dibad baxayaasha danbi lagu soo oogo haddii la qabto dibad baxyo ay dhigaan kooxda Black Lives Matter dhamaadka asbuucan.

Tobanaanka kun oo qof ayaa ka qayb galay mudaharaadyadii dalkoo dhan ka dhacay dhamaadka asbuucii la soo dhaafay, dadkaas oo ka dibad baxayay dadka badan ee kasoo jeeda dadka dalka loogu yimid oo xabsiyada ku jira iyo kuwo ku dhinta xabsiyada.

cc
Protesters are seen during a Black Lives Matter rally in Melbourne, Saturday, June 6, 2020. Source: AAP

Mr Morrison ayaa idaacada 3-A-W ee Melbourne u sheegay inuusan shaki uga jirin in dawlada federalku ka fakaraysay inay soo hor mariso qaadidaa xanibaadaha haddii aan la qaban diba baxyada.

Wuxuu sheegay in dadkii aan u hogaansamin talooyinka caafimaadka oo ka qayb gala mudaharaadyo kale la maxkamdeeyo.

"Waa dal xor ah, dadkuna xoriyad ayay lee yihiin laakiin xoriyada lafteeda waxaa la socda in dadku masuuliyad ay qaataan. Dadkii ka qayb gala dibad baxyada dhamaadka asbuucan ixtiraam daro ayay u muujinayaan dariskooda," ayuu yiri RW Morrison.

Brendan O'Connor oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga Laborka ayaa sheegay in kastoo dadka looga baahan yahay inay raacaan talooyinka caafimaadka oo ah inaysan dad badan hal meel isu imaan, laakiin aysan ahayn mid u taala RW in dadka danbi ay boolisku ku soo ogaan.

"Ma aha go'aan ay siyaasiyiintu leeyihiin. Waxaa jira nidaam madax banaan, waxaana iska leh howshaas dacwad oogayaasha, booliska gobolada iyo kan federalka ayaa go'aansada cidii danbi lagu qaadayo ee ma aha siyaasiyiinta," ayuu yiri Mr Brendan.

 

 

 


2 min read

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now