Explainer

Salman Rushdi oo dhaawiciisa inuu culusyahay la sheegay.

Salman Rusdie oo xaaladiisa caafimaan la sheegay in ay culustahay.

Salman Rushdie.jpg

Internationally acclaimed author, Salman Rushdie, was stabbed during an event in New York.

Dhacdada lagu tooriyeeyey Salman Rushdie.

Salman Rushdie oo 75 jira, ayaa muda ku noolaa Maraykanka, gaar ahaan New York.

Jumcadii, August 12, waqtiga uu Rushdie bilaabi lahaa muxaadara ku saabsanayd “Maraykanku in uu yahay hoyga qorayaasha wadamadooda laga masaafuriyey” ayaa ninka falka gaystay ugu tagay masraxa Machadka Chautauqua, isagoo mindi uu watay caloosha iyo qoorta kaga dhuftay.

Booliska iyo goob joogayaal ayaa sheegay, in ninka falka geystay uu kusii dhiiranaa inuu dilka sii wato, halka ay isugu tageen si ay u qabtaan.

Qalitaan ayaa si degdega loogu sameeyey, isagoo qalabka lagu neefsado lagu xidhay, balse waqti danbe laga furay, lana sheegay in Rushdie hadala kooban laga maqlay.

Inkastoo takhaatiirtu ay ka saareen qalabka lagu neefsado, balse sida uu xaqiijiyey uqaabilsanaha arimaha Rushdie, waxa uu sheegay in ayna xaaldiisu wanaagsaneyn, ayna waqti qaadan doonto si uu usoo kabto, waxayna u badantahay in uu indhihiisa mid ka mida beeli doono, beerkana dhaawac ayaa ka gaadhay iyadoo mindi lagu duray, waxaana sidoo kale go’an seedaha mid kamida gacmihiisa.

Ujeedada Weerarka

Sida ay cadeeyeen bilayska gobalka New York, ninka weerarka geystay waxaa la dhahaa Hadi Matar, waana 24 jir. Bilaysku wuxuu kaloo sheegay in ujeedada ka danbaysa weerarka ayna wali cadayn.

Buuga Aayadaha Sheydanka iyo saamayntiisii.

Salman Rushdie waxa uu ku dhashay wadnka India magaalada Bombay, waxa uuna kasoo jeedaa qoys reer Kashmiira oo muslima, waxa uuna yimida wadanka Britain, isagoo haysta dhalashada Britain, waxa uun yahay ama loo yaqaanaa Qoraa Britain ah, sidoo kalena waxa uu haystaa dhalashada Maraykanka oo uu mudadii danbe ku noolaa.

Buugiisii “Aayadaha Sheydaanka” ee uu soo saaray sanadkii 1988 ayaa dhaliyey buuq badan, si gaara caalmka islaamka dhaxdiisa, una arkay buugan in uu u gafay Islaamka, si gaarana ugu gafay nabi Muxammad (NNKH), sidaa daraadeed buugan ayaa laga mamnuucay wadama badan oo dunida Islamka ka tirsan ama muslimiin badani ku noolyihiin.

Arintii ugu cuslayd ee buugaas diidadiisa waxa ay ka timida dhanka wadanka iiraan. Hogaamiyihii Ruuxiga ah ee ugu sareeyey dalka Iiraan, Ayatullaah Ruhollah Khomeini, ayaa waxa uu 1989 fatwa diini ah muslimiinta kaga codsaday in Salman Rushdie iyo cid kasta oo ku lug leh daabacaada buuga la dilo, isagoo dul dhigay madaxiisa aduun lacageed oo dhan $3 milyan oo la siinayo cidii disha Rushdie.

Lacagtan la duldhigay waqtigaas ayaa sababtay in Rushdie uu ka qarsoomo nolasha dadweynaha, iyadoo dawlada Britain ay ilala adag galisay, marar badana uu ka badashay goobtii uu ku noolaa sababa amaan dartood, iyadoo la sheegay mararka qaar in ay suura gali wayday xitaa in caruurtiisa loo sheego cinwaanka uu deganyahay, waxuuna qoraaladiisa kusoo saari jiray intii uu isqarin jiray magac uu qaatay oo ahaa “Joseph Anton”

Balse markii uu geeriyooday Ayatullaah Ruhollah Khomeini sanadii 1998, dawlada Iran ayaa sheegtay in ayna taageereynin fatwada dilka Rushdie, inkastoo hogaamiyihii Ruuxiga ee Tawrada Iraan Ayatollah Ali Khamenei ee xigay uu 2017 sheegay " in fatwadii dilka Rushdie aan laga laaban karin"

Share

Published

Updated

By Mohamed A Madar.
Source: SBS

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Salman Rushdi oo dhaawiciisa inuu culusyahay la sheegay. | SBS Somali