Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Sam Dastyari oo iska casilay xubinimadii Golaha Senatka ee Australia.

Sam Dastyari oo iska casilay xubinimadii Golaha Senatka ee Australia.

Labor Senator Sam Dastyari
Labor Senator Sam Dastyari leaves after Question Time in the Senate chamber at Parliament House in Canberra,) Source: AAP

Sam Dastyari, oo ahaa xubin ka tirsan xubnaha Laborka ee aqalka  Senatka ee Australia,  ayaa is casilay, kadib markii lagu soo eedeeyey in uu daacadnimadii wadanka Australia dhumiyay.

 Dastyari eedaha loo soo jeedinayay ayaa waxa ay ahaayeen in uu xidhiid aan haboonayn, ama daacad ahayn uu shaqsiyaad Shiina ah la leeyahay , isaga oo si gaara loo magacaabay / Huwang She’ang-mor”, oo isagu maalqabeen siyaasiya, iskuna daya in uu saamayn ku yeesho siyaasada Australia.

Maalmihii na dhaafay ayaa waxaa isa soo tarayay eedeeymaha Dastyari, ee ku aadan in uu si anshaxa ka baxsan xidhiidha aan daacad ahayn oola sameeyay dhanka Shiinaha.

 Hogaamiyaha mucaaradka / Bill Shorten, ayaa isagu ku tilmaamay go’aanka uu qaatay Dastyari, ee uu isku casilay in uu yahay go’aan saxa.

Dastyari ayaa isagu hadal uu jeediyay kadib is casilaadaas, waxa uu yidhi: waxa aan rumaysnahay in aan sharfay dhaartii aan baarlamaanka u dhaartay, si daacadnima ahna u dhaqmi jiray, aana daacad u ahaani doono Australia.


1 min read

Published

Presented by Mohamed Madar


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now