Sam Dastyari oo iska casilay xubinimadii Golaha Senatka ee Australia.

Sam Dastyari oo iska casilay xubinimadii Golaha Senatka ee Australia.

Labor Senator Sam Dastyari

Labor Senator Sam Dastyari leaves after Question Time in the Senate chamber at Parliament House in Canberra,) Source: AAP

Sam Dastyari, oo ahaa xubin ka tirsan xubnaha Laborka ee aqalka  Senatka ee Australia,  ayaa is casilay, kadib markii lagu soo eedeeyey in uu daacadnimadii wadanka Australia dhumiyay.

 Dastyari eedaha loo soo jeedinayay ayaa waxa ay ahaayeen in uu xidhiid aan haboonayn, ama daacad ahayn uu shaqsiyaad Shiina ah la leeyahay , isaga oo si gaara loo magacaabay / Huwang She’ang-mor”, oo isagu maalqabeen siyaasiya, iskuna daya in uu saamayn ku yeesho siyaasada Australia.

Maalmihii na dhaafay ayaa waxaa isa soo tarayay eedeeymaha Dastyari, ee ku aadan in uu si anshaxa ka baxsan xidhiidha aan daacad ahayn oola sameeyay dhanka Shiinaha.

 Hogaamiyaha mucaaradka / Bill Shorten, ayaa isagu ku tilmaamay go’aanka uu qaatay Dastyari, ee uu isku casilay in uu yahay go’aan saxa.

Dastyari ayaa isagu hadal uu jeediyay kadib is casilaadaas, waxa uu yidhi: waxa aan rumaysnahay in aan sharfay dhaartii aan baarlamaanka u dhaartay, si daacadnima ahna u dhaqmi jiray, aana daacad u ahaani doono Australia.


Share

Published

Presented by Mohamed Madar

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand