Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Sacuudiga iyo Canada maxay isku hayaan?

Mohammed bin Salman justin trudeau
Source: AAP

Waxaa aad u xumaada xiriirka ka dhexeeya Canada iyo Sacuudiga. Sacuudi Arbai ayaa dalkeeda ka eriday safiirka Canada dalkaas u joogay.

Waxay kaloo joojisay dhamaan xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee labada dal ka dhexeeyay. Sacuudiga ayaa ka carooday qoraal lagu qoray bar Twither oo lagu dhaliilay Sacuudiga sida ay ula dhaqanto dadka kasoo horjeeda iyo arimaha xaquuqul binaadan.

Tweet that upset Saudi Arabia
Source: Twither

Tweetkaas oo kasoo baxay wasaarada arimaha dibada Canada ayaa lagu yiri " Canada waxay aad uga walaacsan tahay xubno ka tirsan bulshada rayidka ah iyo haweenka u ololeeya xaquuqul binaadanka oo la xiray oo ay ka mid tahay Samar Badawi. Waxaana ku boorinaynaa maamulayaasha Sacuudigu inay si dhaqso ah usiidaayaan dhamaan dadka sida nabadgalyada leh ugu ololeeya xaquuqul binaadanka" 

Waxaa arintaas ka jawaabay Sacuudiga oo barta Twither wasaarada arimaha dibada lagu qoray "

Saudi Tweet
Source: Twither

"Boqortooyada Sacuudi Carabia taariiqda ma aqbalin mana aqbalidoonto nooc kasta oo faragalin ah oo lagu sameeyo arimeeda gudaha.. Talaabada Canada waxay boqortooyadu u argtaa inay tahay weerar lagusoo qaaday boqortooyada loona baahan yahay in talaabo cad laga qaado si looga hortago isku day kasta oo lagu doonayo in lagu wiiqo madaxbanaanida Boqortooyada Sacuudi Carabia.


2 min read

Published

Updated



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now