Isbadaladii uu ku balanqaadayay dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga, Maxamed Binu Salmaan, ayaa isagoo kaga dhabeeyay balanqaadyadii uu tabinayay, eek u aadanaa furfurida bulshada sucuudiga, ayaa waxaa wadanka Sucuudiga laga furay shaneemadii oogu horaysay ee laga hir galiyo wadanka muda gaadhaysa 30 sano,
Wasiirka Hidaha iyo Dhaqanka ee Sucuudiga, ahna madaxa hay’ada warbaahinta ee Sucuudiga, Cawaad Binu Saalax Alcawad, ayaa furay masraxan , iyadoo ay kasoo qayb galeen masuul badan, oo ay ka mid ahaayeen dhinacyo ka socday hay’adaha masraxyada ee aduunka.
Hoolkii laga furay masraxaas, ayaa isagu qaadi kara 620 qof, isagoo la sheegay in dhismahaas oo kaliya ay ku yaalaan 7 masrax, iyadoo dawlada Sucuudiu ay qorshaynayso in ay tan iyo 2030, in wadanka laga furo dhismooyin masrax oo gaadhaya 300.
Arintan ayaa bulshada Sucuudigu ay dareeno kala duwan ku qaabileen, iyadoo dhanka culimada xitaa ay u kala jabeen qaar afka xidhay, iyo qaar kale oo ka hadlay haday soo dhawayn tahay iyo diididba.