Saudi Arabia ayaa ku eedaysay dalka Lubnaa inay dagaal ka dhan dalkooda iclaamisay. Sacuudiga ayaa ku tilmaamay waxay ugu yeertay fal gardaro ah oo loogasoo horjeedo dalkooda taageerada ay Lubnaan siiso kooxda Hisbullah ee Shiicada ah ee Iran ay taageerto.
Iscasilaadii lama filaanka ahayd ee Riisul wasaarihii Lubnaa Saad Al Hariiri ayaa markale kicisay xurkufta gobolka ee ka dhaxaysa Sacuudiga iyo Iran iyadoo Mr hariiri uu canbaareeyay Hezbollah iyo Iran oo taageerta qudbadii uu jeediyay iscasilaada kadib.
Saraakiisha gobolka ayaa shaki ka muujiyay iscasilaadan aan la filayn iyadoo qaarkood ay qiyaasanayaan inuu ah go'aan Sacuudigu ku qasbay.
Wasiirul dawlaha xafiiska madaxweynaha Lubnaan Pierre Raffoul ayaa laanta afka carabiga ee SBS u sheegay in qudbada Mr hariri qofkastaa la yaabay lama oga inay arintani qayb ka tahay xarigii ka dhacay Sacuudiga oo shaqada looga qaaday wasiiro iyo xubno ka tirsan boqortooyada.
Wuxuu intaa ku daray in qudbada Mr hariri inaysan ahayn luqad lagu yaqaanay.