Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE starting June 12 2026

Saudis preparing to admit Jamal Khashoggi died during interrogation

Protestors demonstrate at the entrance of Saudi Arabia consulate over the disappearance of Saudi journalist Jamal Khashoggi, on October 9, 2018, in Istanbul.
Protestors demonstrate at the entrance of Saudi Arabia consulate over the disappearance of Saudi journalist Source: AAP / Michael Nigro

 Sacuudiga ayaa diyaarinaya warbixin ay ku qirayaan in dhimashadii suxufi  Jamal Khashoggi ay timid kadib qalad dhacay mar waraysi la yeeshay. Waraysigaas ayaa la sheegay in lagu doonayay in ninkan looga afduubo Turkey sida lagasoo xigtay ilo waeeerdyo.

Midka  mid ah ilo wareedyadaas ayaa lagu sheegay in warbixinta lagu sheegidoono in howgalka ninkaas lagu waraystay markii danbana uu ku dhintay aan ogolaansho loo haysan cidii ku lug lahaydna masuuliyadeeda ay qaadidoonto.

 

Maamulayaasha Sacuudiga ayaa hore ugu adkaystay in Khashoggi uu ka baxay qunsuliyada isla galabtii markuu booqday laakiin wax cadayn ah oo hadalkooda taageray masoo bandhigin.

 

Maqnaanshaha ninkan ayaa dhalisay khilaaf diblomaasiyadeed oo Sacuudiga iyo reer galbeedka u dhexeeya.

 

Kayska suxufigan ayaa sidoo kale xiisad ka dhex abuuray Sacuudiga iyo Turkey oo marar badan ku eedaysay Sacuudiga inay ku guul daraysatay inay ka qayb qaadato baaritaanka.

Maamulayaasha Turkiga ayaa hore u sheegay inay aaminsan yihiin in 15 nin oo Sacuudidiya ay yimaaden Istanbul 2 bisha October ayna ku lug lahaayeen dilka ninkaas.

 

Jimcadiina ilo wareedyo ku dhaw baaritaanka ayaa warbaahinta qaar u sheegay in maamulayaasha Turkey ay hayaan cod iyo muuqaalo cadaynaya in suxufi Khashogi lagu dilay qunsuliyada dhexdeeda.

 

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inay dhici karto in dad cidna aysan soo amrinay ay dileen Khashogi uuna kala hadlay boqorka Sacuudiga oo u sheegay inuusan waxba ka ogayn arintaas.

 

Trump ayaa u diray xoghayiisa arimaha dibada Mike Pompeo si uu ula kulmo boqor Salman.

Xogasho CNN


2 min read

Published

Updated



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now