Scott Morrison oo ku dhawaaqay in doorashada federalka la qabanayo 21 May

Cod bixiyayaasha ayaa go'aamindoona xisbiga soo dhisaya dawlada soo socota ee Australia 21 May, kadib markii RW Scott Morrison uu si rasmi ah ugu dhawaaqay doorashada federalka ee 2022.

Prime Minister Scott Morrison arrives to see Governor General David Hurley at Government House in Canberra, Sunday, April 10, 2022. (AAP Image/Mick Tsikas)

Prime Minister Scott Morrison arrives to see Governor General David Hurley at Government House in Canberra, Sunday, April 10, 2022. Source: AAP

Malaayiin cod bixiyayaasha Australia ayaa u dareeridoona goobaha codbixinta 21 bisha May, kadib markii Ra'iisul Wasaare Scott Morrison uu si rasmi ah ugu dhawaaqay doorashada federalka ee sanadkan.

Ra'iisul Wasaaraha ay ka duulay Sydney isagoo ka degay Canberra saaka oo Axad ahayd si uu u booqdo Governor-General David Hurley oo uu ogolaansho uga helo inuu baarlamaanka kala diro iyo in doorasho lagu dhawaaqo.

Doorashadan ayaa loo codaynayaa dhamaan 151 kuraas ee aqalka hoose ee baarlamaanku ka kooban yahay iyo 40 ka mid ah kuraasta aqalka Senatka.

Hadda isbahaysiga tallada haya ayaa aqalka hoose ku leh 76 kuraas halka Laborku haysto 68 kuraas, Greenkuna haysto hal kursi, iyo lix kale oo ah xildhibaano madax banaan.
How the 151 seats of the lower house are divided ahead of the 2022 federal election
How the 151 seats of the lower house are divided ahead of the 2022 federal election Source: SBS

Isbahaysiga ayaa talada hayay wixii ka danbeeyay 2013 iyadoo 3 Ra'iisul Wasaare ay xilka ugu sareeya soo qabteen - Tony Abbott, Malcolm Turnbull and Mr Morrison.

Mr Morrison ayaa doonaya inuu noqdo RW ugu horeeyay oo isagoo xilka haya labo doorasho ku guulaysta wixii ka danbeeyay John Howard 2004.

Anthony Albanese, oo mucaaradka soo hogaamiyay wixii ka danbeeyay markii Bill Shorten uu is casilay markii looga adkaaday doorashadii u danbaysay ee 2019, ayaa rajaynaya inuu Laborka guul ku hogaamiyo uuna sidaas ku noqdo Ra'iisul Wasaarihii 31 aad ee Australia marka la doorto baarlamaankii 47 aad ee Australia.
The federal election will take place on 21 May, 2022.
The federal election will take place on 21 May, 2022. Source: SBS
Laborka ayaa markasta ku horeeyay cod aruurinahii la qaaday wixii ka danbeeyay bishii June saandkii la soo dhaafay ee 2021 iyadoo helayay 55%  codadka marka dadka la waydiiyay xisbiga ay doorbidayaan inuu guulaysto. Haddana waxaa si rasmi ah u bilaabanaya ololihii doorashada.

Isbahaysiga ayaa ololahayn bilaabaya iyagoo haysta 76 kuraasta aqalka hoose halka Laborku haysto 69 haddii loo xisaabaiyo kursiga cusub ee Hawke ee Victoria oo la aaminsan yahay in Laborku ku guulaysanayo.

Afartan ka mid ah kuraasta aqalka Senatka ayaa sidoo kala lagu tartamayaa doorashadan.


Share

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand