Golaha amniga qaran ee Australia ayaa dib u eegaya in jadwalka dib ugu furida xadka ardayda jaaniibta ah iyo dadka kale ee fiisooyinka haysta kadib markii uu soo baxay nooca Omicron ee coronavirus-ka cusub.
Gudigan ayaa shiraya maanta oo Isniin ah si ay u eegaan in Australia loo ogolaado inay soo galaan dadka labada tallaal qaatay, soogalootiga xirfadlayda ah iyo ardayda ajaaniibta ah oo lagu waday in Arbacadan la furo.
Madaxda federalka iyo kuwa gobolada ayaa sidoo kale la filayaa inay shiraan 24 saacadood ee soosocda si ay jawaab uga bixiyaan noocan cusub ee Covid-ka.
Ra'iisul Wasaare Scott Morrison ayaa ku boorinaya shacabku inay is dejiyaan kadib markii labo qof oo labada tallaal qaatay oo ka soo dhoofay Dalalka Koofurta Africa oo Sydney yimid Sabtidii laga helay noocan cusub.
"Waa lagama maarmaan inaan is-dejino oo aan si taxadar ku jira uga fiirsano macluumaadka jira, aan ka wada shaqayno, kana qaadano go'aanka loo baahan yahayna ka qaadano," ayuu u sheegay Janaal 7 saaka oo Isniin ah.
Sarkaalkii ugu sareeya caafimaadka Australia Paul Kelly ayaa sheegay in maamulayaashu si dhow u fiirinayaan waxay Omicron nooga dhigan yahay marka ay noqoto siduu u faafo iyo in tallaalku wax ka tarayo.
"Marka ay noqoto tallaalka, ma jiraan cadaymo sax ah oo hadda muujinaya in dhibaato ka imaan karto. In kasta oo aan sugayno talooyin dheeraad ah iyo natiijooyinka shaybaarka maalmaha soo socda iyo todobaadyada."
Wasiirka beeraha David Littleproud ayaa ku boorinaya dadku inaysan qalqalin maadaama inuu nooc cusub oo coronavirus ah soo baxo ay ahayd mid aan hurayn.
"Waa inaan furno dalka, waana inaan barano inaan la noolaano caabuqan iyo noocyada cusub ee imaanaya," ayuu u sheegay Janaal nine.
Australia waxay ka xirtay xadkeeda 9 dal oo Koofurta Africa ah, halka goboladu ay soo rogeen sharuuc cusub oo lagu karantiilayo dadka dibadda ka imanaya.
Dhaqtarad Koofur Africa ah oo markii ugu horaysay u sheegtay noocan cusub maamulada ayaa hoosta ka xariiqday inuusan noocan cusub uu muuqan mid xanuun dheeraad ah keenaya.
Nin 30 meeyo jir ah oo arkay dhaqtarad Angelique Coetzee ayaa ka sheeganayay daal dheeraad ah, jir xanuun markii la baarayna laga helay isaga qoyskiisa noocan cusub ee COVID-19.
"Aad umay xanuunsanayn, midkoodna xanuun wayn ma qabin," ayay Dr Coetzee tiri.
Bill Shorten oo ka tirsan Laborka ayaa sheegay in noocan cusub ee Coronavirus-ka uu muujinayo baahida loo qabo nidaam cusub oo karatiil.
Dhanka kalana Victoria ayaa Axadii laga diiwaan galiyay 1061 kays oo COVID-19 halka 4 qofna u dhimatay iyadoo NSW laga helay 185.
Ku dhawaad 87% shacabka Australia ee da'doodu ka wayn tahay 16 sano ayaa labadda tallaal qaatay.