Scott Morrison oo sheegay in la qaadi doono xadiddaada tirada dadka dalka ku soo laabanaya.

Madaxa Gobolada ayaa isku raacay kadib shirkii Golaha Qaranka in la qaado xadidka ahaa in 4 kun oo kaliya ay dalka soo gali karto asbuuc kasta.

Australian Prime Minister Scott Morrison speaks to the media during a press conference at Parliament House in Canberra, Friday, September 4, 2020. (AAP Image/Lukas Coch) NO ARCHIVING

Australian Prime Minister Scott Morrison speaks to the media during a press conference at Parliament House in Canberra, Friday, September 4, 2020. Source: AAP

Muwaadiniin badan oo Australian ah oo dalka dibadiisa ku xaniban ayay dhici kartaa inay dhawaan dalka dib ugu soo noqdaan kadib markii madaxda gobolada dalku ay isku raaceen in la qaado xadiddaada tirada dadka dalka dibadiisa ka soo galaya.

RW Scott Morrison ayaa arintan ku dhawaaqay kadib kulanka golaha qaranku ay yeesheen Jimcadii, iyadoo Mr Morrison uu tilmaamay in magaalooyinka Perth, Adelaide, Darwin, Canberra iyo Tasmania ay qaataan muwaadiniinta Australia ee dalka ku soo noqonaya.

Heshiiska lagu dhawaaqay ka sokow laguma dhawaaqin inta tirada dadka soo noqonaya la kordhinayo iyo waqtiga ay bilaabanayso.

"Marka laga hadlayo dadka dibada ka soo noqonaya, waxaa la isku raacay in tirada dadka Australia ku soo noqonaya la kordhiyo gaar ahaan muwaadiniinta doonaya inay dalkooda ku soo laabtaan," ayuu Mr Morrison ugu sheegay warbaahinta Canberra.

"Heshiiska maanta aan la gaarnay gobolada maanta waa inay furayaan, oo nagala shaqaynayaan siday u qaabili lahaayeen oo u ogolaan lahaayeen duulimaadyo ay ka degaan goboladooda haddii shirkada diyaaraduhu yeelaan."
Mr Morrison ayaa sheegay in NSW ay culayska intiisa badan qaadaysay oo diyaaradaha intooda badan kasoo degaan Sydney, dadkana lagu karantiilo hoteelo, waxaana jiray wadahadalo ku aaddan in duulimaadyada qaar loo wareejiyo qaybaha kale ee dalka.

"Waxaan rabnaa in shacab badan oo Australian ah ay guryohooda ku soo laabtaan. Laakiin waxaan u baahan nahay inaan si amaan ah u fulino anagoo aan carqalad galin nidaamka karantiilka dadka soo noqonaya," ayuu yiri Mr Morrison.

Wixii ka danbeeyay bishii July, 4,000 oo qof oo kaliya ayaa la ogolaaday inay dalka dib ugu soo noqdaan asbuuc kasta kadib markii Golaha Qaranku xadidday tirada si loo fududeeyo culayska saarnaa nidaamka karantiilka hoteelada.

Shacab badan oo Australia ah ayaa ku xanibnaa dalka dibadiisa mudo bilo ah, waxayna doonayaan inay dalka ku soo noqdaan, waxayna rajaynayeen in shirka Jimcadu qafiifiyo xadiddaada.

Ugu yaraan 23 kun oo Australian ah oo danaynaya inay dalka ku soo laabtaan ayaa iska diiwaan galiyay Wasaarada Arimaha Dibadda iyadoo 3 kun oo ka mid ah lagu tilmaamay inay yihiin dad nugul arimo caafimaad ama dhaqaale dartood.


Share

Published

By Rashida Yosufzai

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Scott Morrison oo sheegay in la qaadi doono xadiddaada tirada dadka dalka ku soo laabanaya. | SBS Somali