Ra’iisul Wasaarihii hore ee Australia Scott Morrison, ayaa la xaqiijiyey in uu wasaarada dhawra si aan la shaacinin oo qarsoodi ah loogu dhaariyey, masuuliyad wadaagana ku shaqeeyey mudadii u dhaxaysay bishii March 2020 ilaa May 2021.
Wasaaradaha la magacaabay in uu Morrison isku magacaabay, lana maamuli jiray wasiiradii loo xilsaaray ayaa sida la sheegay gaaraya ugu yaraan shan wasaaradood, waxeyna kala yihiin “caafimaadka, dhaqaalaha, arimaha gudaha, khasaanada iyo tamarta iyo kheyraadka”
Raiisel wasaare Anthony Albanese ayaa ku eedeeyay Scott Morrison inuu marin habaabiyay baarlamaanka dhanka ogaanshaha cidda mas'uulka ka ahaa wasaaradahaas ee sida dhabta ah loogala xisaabtamayo.
Albanese oo hadlaya ayaa yidhi Mr Morrison asxaabtiisu wa in ay ka xishoodaan daawashada awoodaha badan ee Morrison isu geystay. Isagoo hadlka sii wateyna waxa uu yidh “Ma awoodo in aan sawirto caqliga waxan sameeyey. Tani waa eedeyn murugo leh oo aan khuseyn Mr Morrison oo kaliya, balse khuseysa dhamaan asxaabtiisii golaha wasiirada kuwaas oo dib uga gurtay, ogolaadeyna in tani ay dhacdo”. Sidoo kale Albanese waxa uu yidhi “"Tani waxay ahayd dawlad khiyaano ku socota, iyo si qarsoodi ah.”
Scott Morrison ayaan isagu diidin eedeyntan balse qirtay, isagoo marmarsiinya ka dhigtay in xiligaas wadanku xaalad adag ku jiray oo caabuqii Covid-19 uu dareen abuuray. Mar la weydiiyey sababta uu u shaacin waayey talaabadan, waxa uu ku sababeeyey in ayna rabin in shacabka ay walwal usii kordhiyaan, iyadoo markaas xaalad dareena ay abuureyd oo Covid-19 sababay. Morrison ayaa raali galin ka siiyey saaxiibadii ay saamaysay arintan ee xukuumadiisa ku jiray.
Dhinaca kale ee xaalada xiisaha usii yeelay ayaa ah in wasiirada uu Morrison la wadaagay maamulida wasaaradooda ayna qaarkood waxba ka ogeyn in wasaaradooda Morrison isu dhaariyey, uuna la maamulo, wasiiradaas waxaa ka mid ahaa Karen Andrews iyo Josh Frydenberg oo kala hayey wasaarada arimaha gudaha iya wasaarada khasaanada. Tan ayaa dhalisay in wasiirada qaarkood ay difaacaan Morrison cudurdaalna u deydayaan, waxaana ugu horeeya Ra’iisul Wasaare Kuxigeenkiisii Michael McCormack, halka Karen Andrews ay afka ka weerartay uguna yeedhay in uu iska casilo xubinimada baarlamaanka.