Australia oo Indonesia oogu yeedhay in siideynta Abubakar Bashir ay dib u eegto.

Australia oo Indonesia oogu yeedhay in siideynta Abubakar Bashir ay dib u eegto.

Radical Islamic cleric Abu Bakar Bashir is set to be freed from jail.

Radical Islamic cleric Abu Bakar Bashir is set to be freed from jail. Source: AAP

Madaxda Australia, oo uu oogu horeeyo Ra’iisulwasaare Scott Morrison, ayaa walaac ka muujiyey sii deynta  dowlada Indonesia ay ku dhawaaqday in ay sii deyni doonto wadaadka Sh Abu-Bakar Bashir, oo loo xidhay isagoo lala xidhiidhiyay  in uu yahay wadaad xag-jira hogaamiyana ka ah kooxka Jamacat Alislam.

Ra’iisul wasaaraha Australia Mr Scott Morrison iyo madax sare ee dowlada federaalka ee Australia ka tirsan  ayaa xidhiidha toosa la yeelanaya  dhigagooda Indonesia, halkaas oo ay la wadaageen dareenka Australia ay ka qabto sii deynta ninka loo xidhay in uu yahay maskaxdii ka danbeysay qarixii Baali ee ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 200 oo qof.

Dadka ku dhintay qarixii Baali ayaa  80 ka mida ay ahaayeen  dad Australian ah, iyadoo wadaadkan Sh. Abubakar Bashiir uu ahaa  ninka aadka loogu tirinayay in uu soo maleegay qaraxaas. Balse dhankiisa Abubakar Albshir  waxa uu sheegay in qaraxaasi ay ka danbeeyeen sirdoonka Maraykanka iyo Israel.

Madaxweynaha Indonesia Joko Widodo, ayaa shaaca ka qaaday in Sh. Abuubakar   kafaalad lagu sii dayni doono todobaadkan dhexdiisa, isagoo loo eegayo  xaalad baniaadanimo.

Balse Australia ayaa waxa ay u aragtaa ninkaasi in uu saamayn badan leeyahay, sii deyntiisana ay tahay dowladu in ay haboontahay in ay ka fiirsato.

Qaraxyadii 2002 kadib, dawlada Indonesia ayaa waxa ay aasaastay ciidamo la dagaalama argagixisada, ciidamadaas oo tababaradooda iyo dhaqaalahoodaba ay bixiyaan Maraykanka iyo Australia.


Share

Published

By Mohamed A Madar

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Australia oo Indonesia oogu yeedhay in siideynta Abubakar Bashir ay dib u eegto. | SBS Somali