Hindise Canshuur jarid loogu samaynayo shirkadaha waaweyn ayaa dhawaan aqalka Senatka la horgayndoonaa laakiin wasiirka maaliyada Mathias Cormann ayaa diiday inuu sheego in siyaasadan dawladu gabi ahaanba tuuri doonto hindise sharciyeedkan haddii uu aqalka senatku ansixin waayo.
Dawlada federalka ayaa doonaysa inay canshuurka ka yarayso shirkada ay soo gasho qarash ka badan 50 Malyan sanadkiiba oo laga dhimo 30% oo hadda laga qaado lagana dhigo 25%.
Laakiin waxaa mucaaradad adag kala soo horjeeda Senatka intiisa kale iyo waliba xubno ka tirsan isbahaysiga talada haya.
Christopher Pyne oo ka tirsa wasiirada dawlada ayaa ABC u sheegay in kala qaynsanaanta laga sheegayo xisbiga talada haya ee ku aaddan canshuurta shirkadaha ay tahay mid la buunbuuniyay.
Wasiirka ayaa yiri (("Waxay leeyihiin waxaa la gaaray xiligii la horgayn lahaa Senatka, haddii la ansixin waayana ka fiirsada talaabada xigta,, waana hadalo macquul ah.. Dabcan haddii la ansixin waayo sii wadideedu macne ma samaynayso"))