Kooxdan waxaa la dhahaa United Patriots Front. waxaana asaasay laba nin oo dawlada Australia ooga diiwaan gashan in ay danbiilayaal yihiin, danbiyo dhanka cunsuriyada la xidhiidhana maxkamd loola tiigsaday, magacyadooda waxaa la kala dhahaa Blair Cottrell iyo Noel Eridson.
Cottrell iyo Eridson ayaa 2017 loo ganaaxay, sababa la xidhiidha ficilo Islaam nacayb ah oo ay faafiyeen, kadib markii ay video iska duubeen, iyagoo si matalaada qof madaxa ooga jaraya, una dhigaya in ficilkaas muslimiintu sameeyaan. Ficilkan ayaa waxa uu ka mid ahaa rabshado ay ooga soo horjeedeen dhisida masaajidka Bendigo.
Senetor Fraser Anning
Senetorka kasoo jeeda Queenslad Fraser Anning, ayaan isagu aan qarsanin ka qaybgalkiisa banaan baxa ay qabteen dhinacyada xag jirka ah ee kasoo horjeeda Muslimiinta, yahuuda iyo dadkii Afrikaanka ahaa ee lala xidhiidhiyay dhacdooyinkii Melbourne ee “African gange” loogu yeedhay, isagoo sheegtay in uu matalayay dadkii soo doortay ee Queensland.
Banaan baxan ayaa ka dhacay St Kilda Beech ee Melbourne, isagoo lagu magacaabay in looga soo horjeedo “African Gange”, oo sida ay sheegeen cabsi galiyay bulshada eeriyadaas ku dhaqan.
Waxa lagu haysto senetorka
Kasokoow daleeceeynta masuuliin badan oo Australia ahi ay daleeceeyeen dibad baxayadaas dhinacyada xagjirka ahi ay qabteen, waxey sidoo kale masuuliintaasi siyaaba kala duwan ooga soo horjeedsadeen ka qaybgalida Senetor Anning uu sameeyay, isagoo waliba sheeganaya in uu si rasmiya ooga qayb galay, matalayana dadkii soo doortay, sidoo kale waxuu adeegsaday kharashka canshuurbixiyaasha oo la sheegay in ay ku baxday safartiisaas lacag gaadhaysa $3,000/ oo doolar.
Dadka kasoo horjeedsaday si guud banaanbaxyadan ayaa waxa qaar ka mid ahi ay dhaliil u jeediyeen ra’iisul wasaaraha Scott Morrison, sheegeena in daleecayntiisu aynan ahayn mid ku filan. Masuuliinta ka qaybgalka senatorka waxaa ka mida.
Wasiirka Socdaalka , jinsiyada iyo dhaqamada kala duwan ee Australia David Coleman ayaa si culus u daleeceeyay ka qaybgalka Anning ee banaanbaxaas, isagoo yidhi “ Marnaba ma ahayn Fraser Anning in uu banaan baxaas ka qayb galo, ma ahayn in qof ka mida baarlamaanka (Australia) in uu tago dhacdo noocanoo kale ah”.
Dhankeeda Senetorada Gereenka Sarah Hanson-Young, ayaa hadal qoraala ku tiri “ Canshuurbixiyaashu ma aha in ay bixiyaan marka uu senator Fraser Anning saaxiibadiisa naaziga ah meelaha la warwareegayo. Lacagtaasna waa in uu dib u magdhabaa. Dawladuna waa in ayna codkiisa aqbalin marka goluhu codaynayo. Uma qalma in uu senator nodo
Dhankeeda kuxigaha xisbiga Laborka Tanya Plibersek, ayaa tiri ka qaybgalka senetarka ee banaanbaxaas waa wax aad u foolxun.
Haweeneeyda ka tirsan Baarlamaanka Canberra Amanda Bresnan, ayaa waxa ay tiri “ waxaan u arkay arintani in ay dareen xun leedahay, waxeyna u muuqataa kooxaha xagjirka ahi in ay dibadbaxyo cunsuriydaysan qabteen, ayna ku xoojinayaan ololaha dawladu ay ku adkaynayso qaadashada dadka soogalootiga ah…..”
Baarlamaanka oo haatan ku jira fasax , iyadoo bisha February ay shaqada baarlamaanku bilaaban doonto, ayaa la filayaa in talaabada uu qaaday senator Anning, in ay noqoto mid dhalisa dood aad u kulul, dulucda dooduna ay kamid noqon doonto, Sababta uu u tagay banaanbaxaas iyo in uu sidaas sharci ku jabiyay iyo in kale, sidoo kale dhaqaalaha dadka canshuur bixiyaasha ah ee uu isticmaalay in ay sharci daro ahayd iyo in kale.