Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Settlement Guide: Child care options in Australia explained

Finding affordable and quality childcare that works for the whole family is a concern for many parents - here some of the options available in Australia are explained.

Child Care Options
Source: Getty Images

Haddii aad doonayso goob lagu xanaaneeyo caruurtaada, waa kuwaan dhowr dariiq.

Long day care

Day care
Source: WikiCommons

Waa kan ugu badan ee waalidiinta haysta caruur aan wali iskuul bilaabin isticmaalaan sababtoo ah waxay bixiyaan adeeg caruurta koox ahaan loo hayo laga bilaabo 7 subaxnimo ilaa 6 fiidnimo.. Waxaad kala dooran kartaa inaad maalintoo dhan ka diiwaan galiso kala bar maalinta. Caadiyan Long Day Care waxay waalidka ku dalacaan maalinta oo dhan.

Sida lagasoo xigtay machadka culuunta qoysaska ee Australia, ku dhawaad 45% caruurta dadoodu u dhaxayso 2 ilaa 3 sano waxaa lagu hayay Long Day Care 2011.

Family day care

Family day care
Source: WikiCommons

Family day care waa adeeg la ogolaaday oo caruurta qofka hayaa uu gurigiisa ku hayo.. Caruurta waxay ula mid tahay iyagoo gurigooda jooga, saacaduhuna waa ka yar yihiin, qarashaadka Family day Care waxaa loo bixiyaa saacadiiba.

Baaritaan ay Hayada tirakoobka Australia ABS ayaa lagu ogaaday in 2.5% caruurta Australia lagu hayay Family day Care 2014.

Preschool or kindergarten care

Preschool
Source: WikiCommons

Preschools oo ah xanaanada la siiyo caruurta ka hor intaysan bilaabin iskuulka waxaa caruurta la siiyo wax barasho u eg tan iskuulada waxaana lagu hayaa caruurta dadoodu u dhaxayso 3 ilaa 5 sano.

Preschools NSW waxay ku talisaa in adeegan la siiyo caruurta labada sano ee ka horaysa iskuulka. caruurtu inta badan waxay tagaan xanaanada dhowr maalmood asbuucii.. inta badan waxay furan yihiin 9 subaxnimo ilaa 3 galabnimo waqtiyada iskuuladu furan yihiin.

Outside school hour care

School kids
Source: WikiCommons

Barnaamujkan badanaa waxaa lala xariiriyaa iskuul waxaana la siiyo caruurta waaweyn laakiin u baahan xanaano ka hor ama kadib iskuulka iyo xisliga fasaxyada.

Occasional care

Community centre
Source: WikiCommons

Adeegyada noocaan ah waxaa laga helaa xaafadaad ama xarumaha bulshada, mararka qaar waxaa abaabula waalidiin iskaashaday. Saacadahaha caruurta la siiyo asbuuciiba waxaa dhacda in la yareeyo.

Macluumaad dheeraad ah kaLa xariir dawlada deegaanka xaafadaada.

At-home care

Disability child carer
Source: Getty

Adeegan waa mid dawladu maalgaliso oo la siiyo qoysaska sharuudaha soo buuxiya, tusaale ahaan xanaanaynta cunug naafo ah ama qoys ku nool dhul ka fog magaalooyinka oo haysta sadex caruur ah ama ka badan oo da'da iskuulka ku jira.

Informal care

Grandparent and child
Source: Pixabay

Xanaanada noocan ah waxaa bixiya inta badan waalidka aabaha ama hooyada, qaraabo, saaxiib ama dariska ama qof loo qabtay caruurta.

 www.humanservices.gov.au

Waa maxay qarashka xanaanayta caruurta?

Dawlada Australia waxay xanaanayta caruurta ka caawisaa qoysaska xaqa u leh.. Waa inaan ka diiwaan gashan tahay Centrelink aadna isticmaasho adeeg xanaano oo diiwaangashan.

Dawladu waxay bixisaa qayb ka mid ah qarasha xanaanaynta caruurta, waxaana lagu xiraa hadba daqliga soo gala waalidka.

Dawladu waxay kuu celinaysaa 50% qarashkii kaaga baxay xanaanayta caruurta, tusaale ahaan haddii aad isticmaasho Long day care oo maalintii kaa qaada 100 Doolar waxaa dhici karta in lagaa bixiyo 40 ama 46 Doolar.

Child Care Benefit (CCB) – Heerka daqliga kusoo gala iyo nooca xanaano ayay ku xiran tahay inta lagu siinayo.

Child Care Rebate (CCR) – Haddii caruuta lagu hayo maadaama aad shaqayso ama wax barato ama tababar ku jirto waxaa lagaa bixin karaa qarasha kaaga baxa xanaanaynta caruurta 50% oo ka badan karin 7500 Doolat sanadkii, kumana xirna daqliga kusoo gala.

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsab fursadaha ka jira xaafadaada kala xariir dawlad deegaanka xaafadaada www.mychild.gov.au iyo wasaarada adeegyada bulshada gobolkaaga www.humanservices.gov.au. ..

 

You can also check the quality ratings of a service provider by visiting the Australian Children's Education & Care Quality Authority (ACECQA)


3 min read

Published

Updated

By Ildiko Dauda



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now